Madaxweynaha Turkiga ayaa diiday inuu la kulmo dhigiisa Soomaaliya- Warbixin

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday inuu kulan gooni ah la qaato dhigiisa Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo booqasho ku tegey dalkaas, Sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.

Magaalada Istanbuul ayaa kulmisay 50 hogaamiye oo ka kala socday dunida si ay uga qayb galaan shir Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo lagaga hadlayey Arrimaha Bani’aadamnimada.

50 Hogaamiye ayaa ku kulmay Istanbuul.
50 Hogaamiye ayaa ku kulmay Istanbuul.

Madaxweynaha martida loo ahaa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay dhamaan Madaxdii ka soo qayb galay shirkaas oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee QM, Raysal Wasaaradda Jarmalka iyo  Madaxweynaha Ukriane.

Hogaamiyayaasha Dalalka Liibiya, Tuunuusiya, Maali iyo Madagaskar ayaa ka mid ahaa madaxdii Afrika ka socday kuwaas oo dhamaantood Madaxweynaha Turkigu kulamo gooni gooni ah la yeeshay.

Raysal Wasaarada Jarmalka iyo Madaxweynaha Madagaskar oo Madaxweyne Erdogan la kulmay.
Raysal Wasaarada Jarmalka iyo Madaxweynaha Madagaskar oo Madaxweyne Erdogan la kulmay.

Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay dalkiisa xulufo iyo saaxiib dhow yihiin Dalka Turkiga ayaa ku guuldaraystay inuu kulan gaar ah la qaato Madaxweyne Erdogan, Sida ay warsidaha Faaqidaad u xaqiijiyeen qaar ka mid ah xubnaha ku weheliya safarka.

Xasan Sh. Maxamuud ayaa aad u danaynayey inuu kulan gooni ah la qaato dhigiisa Turkiga si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal, Doorashooyinka 2016 iyo taageerada dowladiisu ka hesho Ankara, Laakiin Erdogan ayaa ka cago jiiday kulankaas oo aan qorshahaba ugu jirin.


Waxaa la arkayey Erdogan oo madaxdii ku dhex salaamaya hoolkii uu shirku ka socday nasiib xumo xubnihii uu gacan qaaday kuma jirin Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale Madaxtooyada Turkigu waxay munaasabad casho ah ku marti qaaday dhamaan madaxdii shirkaas ka qayb galay balse laguma casumin Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan laguma casumin cashadii.
Madaxweyne Xasan laguma casumin cashadii.

Sarkaal ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Faaqidaad inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka labada Madaxweyne.

Sidee loo tebiyey.

Barta ay Madaxtooyada Turkigu ku leedahay Twitterka ayaa la soo dhigay dhamaan madaxdii uu Erdogan la kulmay kumana jirin Madaxweynaha Soomaaliya.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada ee Radio Muqdisho oo looga bartay inay soo tebiyaan safarada Madaxweynaha ayaan soo tebin 1 kulan oo uu la yeeshay masuuliyiinta Turkiga, Keliya waxay sheegeen inuu arkay saraakiil Ciidamada Soomaaliya ka tirsan oo wadankaas tababar u jooga.

Warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in Madaxweynuhu la kulmay saraakiil tababar ahaan u jooga Turkiga.
Warbaahinta Dowlada ayaa sheegtay in Madaxweynuhu la kulmay saraakiil tababar ahaan u jooga Turkiga.

Xiriirka labada dal.

Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ahaa sanooyinkii danbe mid xoogan iyadoo Ankara ka taageeraysay Muqdisho dhinac kasta.

Madaxweyne Erdogan ayaa booqasho taariikhi ah ku tegey sanadii 2010 dalka Soomaaliya si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo Abaarahii sanadkaas dalka ku dhuftay.

Waa dalka keliya ee maalgashi toos ah ku sameeyey Soomaaliya iyagoo gacanta ku haya Garoonka iyo Dekeda Muqdisho, Sidoo kale diyaarada Turkish Airline ayaa isaga kala gooshta labada dal.

$4.5 Milyan ayaa la aaminsan yahay inuu bil walba Turkigu siiyo Dowlada Soomaaliya si ay ugu kabto miisaaniyadeeda aan dakhliga badan lahayn.

Maxaa u sabab ah inuu xiriirku xumaado?

Xukuumada Soomaaliya oo taageero dhinaca hubka ah weydiisatay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo xurguf weyni kala dhaxayso Erdogan waa sababta ugu weyn ee xiriirkii Ankara iyo Muqdisho u xumaaday, Sida uu fahansanyahay Warsidaha Faaqidaad.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo xiriir dhow la yeeshay dalalka Masar iyo Imaaraadka isla markaana ka fogaaday Dalalka Qadar iyo Turkiga ayaa la rumaysan yahay inay ka caraysiisay Erdogan.

Xasan Sh. Maxamuud iyo Cabdifataax Siisi.
Xasan Sh. Maxamuud iyo Cabdifataax Siisi.

Falanqayn.

“Turkigu waa ku mahadsanyahay taageeradiisa” Soomaaliya waxay u baahan tahay in la sii xoojiyo xiriirka ay la leedahay Turkiga maadaama ay ku jirto marxalad soo kabasho.

Hab dhaqanka uu Madaxweynaha Turkigu kula dhaqmay dhigiisa Soomaaliya waxaa la oran karaa waa mid uu ku dareensiinayo sida uusan ula dhacsanayn siyaasadiisa arrimaha dibada.

Waa xili doorasho, Sidaa darteed Madaxweyne Xasan inuu lumiyo Erdogan waa mid aanu ka soo kaban karin.

Soomaaliya ma isku wadan kartaa xulufadeedii hore iyo Ruushka? Mise waa ku dhex hafan doontaa? Su’aashaas ayaanu weydiinay akhristayaasha nagu xiran markii Raysal Wasaare Sharmaarke booqday Moosko, Fadlan hoose ka daawo Warbixin aanu xiligaas diyaarinay.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com .

Tafatiraha
editor@faaqidaad.com
Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.