Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhadhaab booqday

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab. Halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo Soomaali ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo salaamaya qaar ka mid ah ardayda qaxootiga ah.
Madaxweynaha Soomaaliya oo salaamaya qaar ka mid ah ardayda qaxootiga ah.

Wuxuu la kulmay horjoogayaasha qaxootigaas oo mudo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab oo ku yaala Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kiinya.

Safarkaas waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Kiinya oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Joseph Ole Nkaisery.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa xili Dowlada Kiinya ku dhawaaqaday inay xiri doonto xeryahaas bisha November ee sanadkan.


Dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Wadamada reer Galbeedka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan in xeryahaas albaabada loo laabo, Maadaama weli aanu deganayn dalkoodii hooyo ayna ka socdaan dagaaladii sukeeye ee horay uga soo qaxiyey.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.