Madaxweynaha Soomaaliya oo booqanaya Jarmalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu caawa ka dego magaalada Munich ee Dalka Jarmalka, Sida uu Faaqidaad u sheegay sarkaal ka tirsan Dowlada.


Ujeedka ugu weyn ee safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii uu baaris caafimaad u mari lahaa, Sidoo kale waxa u qorshaysan inuu kulamo la qaato masuuliyiinta dalkaas.

Dad badan ayaa ka walaacsan inuu Madaxweynuhu kala hadlo dowlada Jarmalka qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku sugan, Taas oo saamayn ku yeelan karta sharciyada magangelyo ee ay dalkaas ka dalbadaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay loogu eedeeyey inay kula heshiisay dalka Norway inuu dib u soo celiyo ku dhowaad 500 oo qof, Kuwaas oo sharciyadii loo diiday qaarkoodna lagala laabtay.

Madaxweynaha ayaa horay u sheegay inuu socdo qorshe ay iska kaashanayaan Talyaaniga, Kaas oo lagu doonayo in dib loogu celiyo dhalinyarada ku sugan dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.