Madaxweynaha Jubbaland wuxuu haweenka ka qadiyey Xukuumadiisa iyo Beesha Calaamka oo ka welwelsan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay Xukuumada cusub oo tiro ahaan ka kooban 34 xubnood kuwaas oo isugu jira 17 Wasiir oo loo kala dhiibay Wasaaraddo buuxa iyo 17koodii Wasiir ku xigeen.

Madaxweynaha ayaa ilaaway inuu ku soo daro  Golihiisa Wasiiradda xubno haween ah isagoo gebi ahaanba qadiyey waxaana liiska laga dhex arki karin Wasaaradda keliya oo madax looga dhigay qof dumar ah xataa laguma xusin Wasiir ku xigeenada.

Madaxweynaha Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland.

Warisadaha Faaqidaad ayaa xiriir la sameeyey danjirayaasha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho si uu u ogaado dareenka ay ka qabaan maadaama looga bartay inay siyaasiyiinta Soomaalida ku cadaadiyeen sidii ay dumarka door muuqada uga siin lahaayeen saaxada siyaasada.

“Weli ima soo gaarin liiskaasi laakiin hadii ay dhab noqoto in Golaha Wasiirada Jubaland laga reebay dumarkii runtii waa arrin aan la aqbali karin oo welwelkeeda leh, Si dhow ayaana u eegi doonaa markaanu liiska helno” Ayuu yiri mid ka mid ah Danjirayaasha beesha caalamka u jooga Soomaaliya oo diiday in aan magaciisa soo xigano .

Faadumo Cabdiraxmaan oo ka mid ah haweenka Jubaland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo Warsidaha Faaqidaad la xiriiray ayaa si kulul u canbaaraysay talaabada uu Madaxweynuhu qaaday iyadoo ku tilmaantay ayaan daro weyn.

“Haweenku waa laf dhabarta bulshada taas ka sokoow halgankii Jubaland waxaanu ku lahayn door cid kastaa ogtahay nasiib daro weeye Madaxweynuhu inuu xataa na xusi waayey waana arrin xataa dastuurka xad gudub ku ah” Ayey tiri Faadumo mar ay la hadlaysay Faaqidaad.

Madaxtooyada Jubaland ayaan weli ka soo jawaabin fariin aanu u marinay aalada Internetka laakiin sida looga bartay maamulada Soomaaliya ma jiro taariikhiyan mid ka reebay Golihiisa Wasiiradda hablaha.

Akhri Liiska Wasiiradda Jubbaland.

Wasiirradda:

  1. Mudane Maxamed Yuusuf Cumar – Wasiirka Macdanta Tamarta Iyo Biyaha
  2. Mudne Cabdinuur Cali Aadan – Wasiirka Warfaafinta iyo Tiknoolajiyada-Isgaarsiinta
  3. Mudane Cusmaan Xusaan Xaaji – Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga
  4. Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud – Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare
  5. Mudane Maxamed Cabdi Maxamed – Wasiirka Gaadiidka
  6. Mudane Aadan Ibraahim Aw-Xirsi – Wasiirka Cadaaladda, Dastuurka Iyo Arrimaha Diinta
  7. Mudane Cali Xaaji Nuur Cali – Wasiirka Caafimaadka
  8. Mudane Cabdirashiid Jire Qalinle – Wasiirka Maaliyadda
  9. Mudane Maxamed Warsame Faarax – Wasiirka Arrimaha Gudaha
  10. Mudane Axmed Cabdixafiid Maxamed – Wasiirka Deegaanka Iyo Dalxiiska
  11. Mudane Maxamed Nuur Buule – Wasiirka Xanaanad Xoolaha
  12. Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur – Wasiirka Amniga
  13. Mudane Shukri Weyrax Kaariye – Wasiirka Howlaha Guud Iyo Guryeeynta
  14. Mudane Maxamed Maxamuud Yuusuf – Wasiirka Dhallinyarada Iyo Isboortiga
  15. Mudane Fariid Jaamac Saleebaan – Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha
  16. Mudane Ibraahim Xasan Cabdi – Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda
  17. Mudane Geelle Muxumed Aadan – Wasiirka Beeraha

Wasiir Ku xigeenada:

  1. Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale – Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta.
  2. Mudane Maxamed Ibraahim Faarax – Wasaarada Warfaafinta, Tiknoolajiyada iyo Isgaarsiinta.
  3. Mudane Cabdiraxmaan Sh. Khaliif Guure – Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah.
  4. Mudane Mahad Shiikh Cabdi – Wasaaradda Gaadiidka.
  5. Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed – Wasaarada Waxbarashada.
  6. Mudane Aadan Inshaar Cumar – Wasaarada Cadaalada; Dastuurka iyo Arrimaha Diinta.
  7. Mudane Cali Nuur Axmed – Wasaaradda Caafimaadka.
  8. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasaarada Maaliyada.
  9. Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen – Wasaarada Arrimaha Gudaha.
  10. Mudane Maxamed Axmed Cali – Wasaarada Deegaanka iyo Dalxiiska.
  11. Mudane Ibraahim Cabdi Xasan – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
  12. Mudane Isxaaq Maxamed Xasan – Wasaaradda Amniga.
  13. Mudane Yuusuf Cabdi Aadan – Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.
  14. Mudane Cabdiqaadir Maxamed Faarax – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
  15. Mudane Cabdikariim Aadan Xasan – Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha.
  16. Mudane Cumar Xasan Oobo – Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada.
  17. Mudane Mahad Muxiyadiin Maxamed – Wasaaradda Beeraha.

Wareegtada Madaxweynaha.

Wareegtadii Madaxwenaha Jubaland ku magcaabay Wasiiradiisa.
Wareegtadii Madaxwenaha Jubaland ku magcaabay Wasiiradiisa, Nuqulka koowaad.
Wareegtadii Madaxwenaha Jubaland ku magcaabay Wasiiradiisa, Nuqulka labaad.
Wareegtadii Madaxwenaha Jubaland ku magcaabay Wasiiradiisa, Nuqulka labaad.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.