Madaxweynaha Jabuuti oo markii 4aad xafiiska loo dhaariyey

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta loo dhaariyey markii afraad xafiiska waxaana ka soo qayb galay xafladii caleemo saarka Madaxweynayaal dhowr ah iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha.

Soomaali badan ayaa ka qayb galay caleemo saarka Madaxweyne Geele.
Soomaali badan ayaa ka qayb galay caleemo saarka Madaxweyne Geele.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shiriif Sh. Axmed ayaa qayb ka ahaa wufuud kala duwan oo ka socday meelo ka tirsan geyiga Soomaalidu degto.

Madaxweyne Geele ayaa si weyn uga adkaaday 3dii musharax ee kula loolamayey doorashadii Madaxtooyada oo dalkaas ka qabsoontay 8 April laakiin mucaaradku waxay ku doodayaan in si weyn la isu dabo mariyey codadkii la dhiibtay.

Joogitaanka Bashiir.

Maxkamada caalamiga ah ee ICC ayaa baadi goobaysa Madaxweynaha Suudaan oo isagu ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka soo qayb galay xafladaas laakiin sanadii 2011 ayuu dalka Jabuuti oo ka mid ah xubnaha saxiixay heshiiskii lagu dhisay maxkamadaas ka biyo diiday inuu xiro Al-Bashiir mar uu booqasho ku yimi.

Wakhtigaas ICC waxay ka dalbatay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in talaabo laga qaado Dalka Jabuuti laakiin Goluhu dheg jalaq uma siin sababta oo ah dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo leh awooda diidmada qayaxan ayaan ogalayn in Al-Bashiir la soo xiro.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo abtigiis Xasan Guuleed Abtidoon ayaa soo xukumayey dalka Jabuuti tan iyo intuu xornimada ka qaatay Faransiiska sanadii 1977.
Ismaaciil Cumar Geelle iyo abtigiis Xasan Guuleed Abtidoon ayaa soo xukumayey dalka Jabuuti tan iyo intuu xornimada ka qaatay Faransiiska sanadii 1977.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa talada Jabuuti soo hayey tan iyo sanadii 1999 inkasta oo lagu amaano dhaqaalaha dalkaas oo u koray si xawli ah mudadii uu xafiiska joogay hadana waxaa lagu eedeeyaa inuu awoodii dalkaas gacantiisa ku soo ururiyey iyo inuusan doonaynin inuu si fudud xafiiska u baneeyo.

Faaqidaad.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.