Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya oo saraakiil Ciidan dalacsiiyey

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dalacsiiyey Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida G/le sare  Liibaan Ali Yarow iyo Gudoomiyihii Maxkamada derejada koowaad ee Ciidamada qalabka sida G/le dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Labada sarkaal ee la dalacsiiyey.
Labada sarkaal ee la dalacsiiyey.

Xeer Madaxweyne Lr. 34 ujeedadiisuna ahayd dalacsiin ayaa loogu dalacsiiyey Gudoomiyihii Maxkadamada sare Sareeye Guuto (Jeneraal) halka Gudoomiyihii Maxkamada derejeda koowaad loo dalacsiiyey G/le sare .

Munaasabad ka dhacday dugsiga tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa labadaas sarkaal loogu xiray derejooyinkaas waxaana goobta joogey Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo Saraakiil sare sare oo ka tirsan Ciidanka Xooga.

4 May, 2016 ayaa la sheegay inuu soo baxay xeerka Madaxweynuhu ku dalacsiiyey saraakiishan laakiin ilaa mudadaas ma ahayn mid si rasmi ah loo shaaciyey.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa labadaas sarkaal loogu xiray derejooyinka.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa labadaas sarkaal loogu xiray derejooyinka.
Ciidamo ka tirsan Booliska oo salaan sharaf bixinaya.
Ciidamo ka tirsan Booliska oo salaan sharaf bixinaya.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.