Maamulka Jubbaland ayaa diiday in Aqalka sare saami laga siiyo Gobolka Banaadir

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyey Dowlada Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Baarlamaanka inay ku hawlantahay, Sidii loo xagal daacin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray iyo hanaanka loo marayo doorashooyinka 2016.


Dowlada Federaalku waxay soo saartay miiska in qoondo laga siiyo aqalka sare Gobolka Banaadir taas oo ah mid aan ku jirin heshiiskii Muqdisho, Isla markaasna dhaawacaysa dadaaladii horay loogu bixiyey sidii heshiis loo gaari lahaa, Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Jubballand.

Jubbaland waxay sheegaysaa in marka hore loo baahan yahay in heshiis laga gaaro maqaamka ay yeelan doonto Muqdisho maadaama ay tahay caasimad Soomaaliyeed oo umada u dhaxaysa.

Wakhtigii laga doodi lahaa maqaamka iyo saamiga Gobolka Banaadir ayey Jubbaland xusatay in la soo dhaafay, Wakhtigana in miiska la soo saaro looga gol leeyahay sidii lagu xagal daacin lahaa heshiisyadii horay loo wada saxiixday.

Waa in la raacaa heshiiskii Muqdisho lagu wada saxiixday ee ku aadanaa nidaamka lagu soo xulayo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ayaa lagu sheegay inuu yahay go’aanka Jubbaland.

Dowlada Jubbaland ma ogola mana aqbalayso in qodobo cusub lagu daro heshiiskii Muqdisho, Mana qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata hadii sidaa la yeelo, Ayaa lagu soo afmeeray Warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka Jubbaland.
Warsaxaafadeedka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.