London oo dooratay Duq Magaalo oo Muslim ah.

Sadiq Khan waxa uu noqday Duqa cusub ee London, waana markii ugu horaysay oo ay yeelato Duq Magaalo oo Muslim ah.

Waxa uu ka adkaaday Murashaxii Xisbiga talada Dalka haya, Zac Goldsmith oo ah nin cadaan ah, Lacag fara badan aabihiis ka dhaxlay, ahna Xildhibaan Baarlamaanka Ingiriiska ah, oo lagu soo doorto Xaafada Richmond oo ah Xaafadaha Dadka Ladan degan yihiin Magaalada London.

Sadiq oo asal ahaan kasoo jeeda Baakistaan ayaa ku koray guryaha Dawladu kabto ee Saboolka loogu tala galay, aabihiis ayaa aahaa Dareewal Busaska Gaadiidka daweynaha London.

Sadiiq waxa u bartay looyaarnimo, wuxuna ku takhasusay u doodida xuquuqda bini’aadamka.

Sadiq Khan waxa uu horay usoo noqday Muslimkii ugu horoyeey ee kamid noqda Golaha Wasiirada Britain xiligii Raiisal Wasaare Gordon Brown, intaan Duqa loo dooran wuxu ahaa Xildhibaan aqalka hoose ee Baarlamanka Britain (House of commons).

Doorashada Sadiq Khan maxay uga dhigan tahay Soomalida faraha badan ee degan London?

Soomaalida degan (UK) waxa lagu qiyaasaa 250,000 in kabadan sadex meelood oo meel ayaa degan London.
6 Xildhiban oo Soomaali ah ayaa horay ugu jiray Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka London, Tiradaas oo laga yaabo inay kororto Doorashadan kadib.

Sadiiq Khaan wuxuu noqonayaa Duqii ugu horeeyey oo Muslim ah oo London hogaanka u qabta.
Sadiiq Khaan wuxuu noqonayaa Duqii ugu horeeyey oo Muslim ah oo London hogaanka u qabta.

Balanqaadayada u sameeyay waxa ugu horeeya wax ka qabasha Guryaha taas oo dhibaato ka haysto Soomaalida sidoo kale wuxu balan qaaday qiima dhimis Gaadiidka Dadweynaha.

Guusha Sadiq maxay uga dhigan tahay Xisbiga Shaqaalaha?

” Mahadsanidin reer London, waxa aan ku koray Guri Dawladu leedahay, oo aan kafogeyn halka (City Hall) xafiiska Duqa London. weligay kuma riyoon in qof anigoo kale ah uu noqonayo Duqa London, waan ku faraxsanahay inaad ii doorateen Magaalada ugu fiican Dunida'” Sadiq oo Magarafoonka lagu soo dhoweeyey guushiisa kadib.

Dooorashada Sadiq ayaa soo af jartay Sideed sano oo xisbiga Conservative ka ariminayey London.

Sadiq Khan wuxu katirsanyahay Xisbiga Shaqaalaha ee Mucaardka ah, Doorashadiisa ayaa lasaadaalinayaa inay wadada u xaarto in xisbigu Ku guulaysto Doorashooyinka guud 2020ka.

Laga soo bilaabo 2010 Dalka Britian waxa ka arimaya Xisbiga Conservative ka.

Faaqidaad+ Wakaaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.