Kuuriyada Woqooyi ‘ma adeegsan doono Nukliyeer’ ilaa nala soo weeraro

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegay in aanu dalkiisu adeegsan doonin hubka nukliyeerka ilaa la soo weeraro sida ay soo tebiyeen warbaahinta dowladu maamusho.

Kuuriyada woqooyi ayaa tijaabisay hubkeeda nukliyeerka sanadii 2006 kadib markii ay ka baxday heshiis caalami ah oo hubkaas lagu xakamaynayey.

Wixii ka danbeeyey markaas waxay si joogta ah ugu hanjabaysay inay hubkaas ku duqayn doonto Kuuriyada koonfureed iyo Maraykanka.

1950- 53 ayaa dagaalo dhex mareen labada Kuuriya wixii ka danbeeyey markaasna ma saxiixin heshiis nabadeed .
1950- 53 ayaa dagaalo dhex mareen labada Kuuriya wixii ka danbeeyey markaasna ma saxiixin heshiis nabadeed .

Laakiin Kim Jong-un wuxuu ka sheegay shirkii Xisbiga shaqaalaha ee ka dhacay Pyongyang inuu diyaar u yahay sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka ay la wadaagaan dalalka xurguftu kala dhexayso.

Khuburo caalami ah oo dusha kala socda arrimaha dalkaas ayaa aaminsan inuu jiro dhaqdhaqaaq muujinaya in Kuuriyada woqooyi ugu diyaar garoobayso tijaabinta gantaal kale oo Nukliyeer ah.

Warbaahinta Dowladu waxay soo xigteen Kim Jong-un oo leh waxaa loo baahan yahay wada hadalo dheeri ah oo lala yeesho Kuuriyada koonfureed si dib loogu dhiso is aaminaadii & isfahankii.

Faaqidaad + Wakaaladaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.