Kumanaan soo galooti ah ayaa laga samatabbixiyey Badda Mediteraniyanka

In ka badan 600 oo qof oo soo galooti ah ayey cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda Midowga Yurub ka samatabbixiyeen sabtidii Badda Mediteraniyanka, Taas oo ka dhigaysa tirada todobaadkan gudihiisa la soo badbaadiyey 16,000, Sida ay sheegayaan saraakiisha Talyaanigu.

Samatabbixintii ugu danbaysay waxaa ka qayb qaatay maraakiib ay leeyihiin dalalka Talyaaniga, Jarmalka iyo Ireland kuwaas oo ka hawlgala Mediteraniyanka.


Cimilada wanaagsan ee guga ayaa keentay inay si xawli ah u socdaan dadka isku deyeya inay soo maraan dariiqaa halista badan si ay isaga kala gooshaan Afrika iyo Yurub.

Wuxuu noqday wadada ugu weyn ee hada soo galootigu soo maro tan iyo markii ay heshiiskii qaxootiga wada gaareen Midowga Yurub iyo Turkigu, Kaas oo looga gol lahaa in lagu dhimo dadka tirada badan ee ku soo qulqulaya Giriiga.

Doon laga leeyahay dalka  Ireland ayaa badbaadisay sabtidii 120 magangelyo doon ah oo saarnaa doon yar oo bac (caag) ka samaysan, Sida ay sheegeen Ciidamada dalkaasi.

Markab laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa sameeyey afar hawlgal oo samatabixin ah, Sida ay sheegeen Ilaalada Xeebaha ee Talyaaniga.

In ku dhow 4,000 soo galooti ah ayaa laga soo samatabbixiyey badda horaantii todobaadkan kuwaas oo soo caga dhigtay sabtidii dalka Talyaaniga.

Arbacadii Ilaalada xeebaha talyaaniga ayaa ka soo badbaadiyey doon sii degaysa 562 qof halka 5 ku dhimatay, doontaas laftigeeda ayaa isla maalintaas soo samatabbixisay 108 soo galooti ah oo saarnaa saxiimad yar.

Talaatadii 3,000 oo kale ayaa laga soo daad gureeyey doonyo yar yar oo ay soo saareen kooxaha dadka soo tahriibiya ee ku sugan Liibiya.


Qaxootiga intiisa badani waxay ka soo carareen colaadaha iyo saboolnimada ka jira Afrika iyo Bariga dhexe.

Soomaali tiro badan ayaa ka mid ah dadka la soo badbaadiyey.

Sida uu dhigayo qorshaha Midowga Yurub kumanaan ka mid ah kuwa laga soo samatabbixiyo Badda waa in loo qaybiyo oo dib u dejin looga sameeyo wadamada kale ee Yurub.

Laakiin diidmo ka timi wadamada qaar ayaa sababtay tiro aad u yar oo soo galooti ah in ilaa iyo hada qorshahaas lagu meeleeyo.

HOOS KA DAAWO CIIDAMADA BADDA OO SAMATABBIXINAYA SOO GALOOTIGA.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.