Kulan u socday Baarlamaanka oo la hakiyey iyo shirkii madasha oo la isku mari la’yahay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa hakiyey kulan ay lahaayeen mudanayaasha Golahaasi, Kaas oo ay kaga doodayeen geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016.


Wuxuu u sheegay xubnihii shirka soo xaadiray in aan Baarlamaanku sii doodi karin maadaama sida uu hadalka u dhigay uu Muqdisho ka socdo shir ay leeyihiin madaxda madasha wadatashiga qaran, Sidaa darteedna loo baahan yahay in fursad la siiyo wadahadaladaas.

Maanta ayaa lagu waday in Baarlamaanku go’aan ka gaaro heshiiskii Xukuumadu u soo gudbisay kaas oo ay horay u soo gaareen hogaamiyayaasha ku mideysan madasha wadatashiga qaran.

Gudoomiye Jawaari wuxuu xusay in mudo laba beri ah uu sii xirnaan doono kalfadhigii Baarlamaanku maalinimada Talaatadana dib la isugu soo noqon doono.

Shirka Madasha.

Warar soo gaaraya qaybta Warqabadka Warsidaha Faaqidaad ayaa tibaaxaya in la isku mari la’yahay shir uga socda Muqdisho madasha wadatashiga, Kaas oo lagaga doodayo sidii loo dhaqan gelin lahaa hanaankii doorasho ee horay loogu heshiiyey

Madaxweynaha ayaa doonaya in dib loogu noqdo aqalka sare si qoondo looga siiyo Gobolka Banaadir waloow madaxda maamulada qaarkood genefka ku dhufteen dalabkaas.

Madasha wadatashiga qaran ayaa shir uga socdaa Muqdisho.
Madasha wadatashiga qaran ayaa shir uga socdaa Muqdisho.

Qorshayaasha miiska saaran waxaa ka mid ah xubnaha aqalka sare in markale dib loo qaybiyo iyadoo lagu salaynayo 18kii Gobol ee dalku ka koobnaa wixii ka horeeyey sanadkii 1991.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.