Kim Jong-un: Waan awoodnaa in aanu weerarno Maraykanka

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un ayaa ku tilmaamay tijaabada gantaallo Arbacadii uu tijaabiyay arrin ka markhaati kaceysa in dalkiisu awoodo inuu weeraro danaha Mareykanka ee Pacific-ga.


Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Kim Jong-un uu shakhsiyan kormeerayay tijaabada gantaaladaasi.

Khubarada dhanka Ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegaya in mid ka mid ah gantaaladaasi uu guul dareystay balse midka kale uu gaaray masaafo gaaraya dhowr boqol oo Kiilomitir.

Kim Jong-un ayaa tijaabadaas ku tilmaamay mid si weyn u xoojineysa awoodda dalkiisa u leeyahay in uu kaga jawaabo weerar kasta oo nukliyeer ah oo lagu soo qaado.

Tijaabadan ayaa ah mid jebinaysa xayiraado horay Qaramada Midoobey ug soo rogtayWoqooyiga Kuuriya, Kuwaas oo mamnuucayey in dalkaasi tijaabiyo gantaalada balastika loo yaqaan.

Gantaalka la tijaabiyey waxaa la dhahaa Musudan isagoo gaari kara 4,000KM, Waana kan sawirkan ka muuqda.
Gantaalka la tijaabiyey waxaa la dhahaa Musudan isagoo gaari kara 4,000KM, Waana kan sawirkan ka muuqda.
Kim Jong-un oo daawanaya gantaalka la tijaabinayo.
Kim Jong-un oo daawanaya gantaalka la tijaabinayo.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.