Kenya iyo Ethiopia oo ku heshiiyey inay dhisaan dhuumo shidaalka qaada

Kenya ayaa la saxiixatay Ethiopia heshiis lagu dhisayo dhuumaha shidaalka xanbaar, bil kadib markii Ugandha u xulatay Tanzania halka uu ka dhoofi doono gaaskeedu.


Dhuumahan ayaa isku xiri doona magaalo xeebeedka Kenya ee Lamu iyo caasimada Ethiopia ee Addis Ababa.

Ethiopia ayaa ku rajo weyn inay bilowdo soo saarida shidaalka ayna dibada u dhoofiso sanadka danbe.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kula galay heshiiskan Raysal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn magaalada Nairobi Khamiistii.

Heshiiskani wuxuu qayb ka ahaa mashaariic dhinaca kaabayaasha ah oo ay wadajir labada dal u fulin doonaan si Gobolku u noqdo mid isdhexgala.

“Labada hogaamiye waxay goob joog u ahaayeen saxiixa heshiisyo laba geesood ah oo ay ku jiraan dhuumaha shidaalka qaada kuwaas oo isaga kala gooshi doona Lamu iyo Addis Ababa, Iyagoo hoos imanaya mashruuca Lapsset” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka, Kenya waxay bilaabaysaa dhismaha dhuumaha bisha December ee sanadkan, waxayna dhamaystiri doontaa sida qorshuhu yahay 2021.

“Wasiiradu waxay ula kulmi doonaan kooxaha farsamada si bile ah, Si loo hubiyo horumarka” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru.

“Laga soo bilaabo halkan, fulinta, fulinta, fulinta waa sadexda ugu muhiimsan waxyaabaha aanu diirada saari doono” Ayuu yiri RW Desalegn.

Kenya iyo Ethiopia waxay wada galeen shan heshiis oo ay ku jiraan iskaashi dhinaca ciyaaraha ah, xoolaha xuduuda isaga gudba, caafimaadka iyo waxbarashada.

Nairobi waxay wadaxaajood dhinaca dhuumaha shidaalka ah kula jirtay Kampala, Laakiin Ugandha waxay u doortay halka shidaalkeedu ka dhoofi doono dekeda Tanga ee Tanzania.

Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn.
Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.