Jeneraal Fartaag oo aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyey- Cod.

Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Maamul Goboleedka Juballand Jeneraal Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa aqbalay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan mar uu maanta waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Jeneraal Fartaag iyo Maxamuud Sayid Aaden.
Jeneraal Fartaag iyo Maxamuud Sayid Aaden.

Jeneraal Fartaag wuxuu sheegay in Madaxweynuhu xaq Dastuuri ah u leeyahay inuu soo magcaabo Madaxweyne Ku xigeen isla markaasna xilku yahay meerto.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Jubaland inay la shaqeeyaan madaxdooda isagoo xusay in magcaabida Maxamuud Sayid Aaden ay qayb ka ahayd dadaalo ay mudo dheer soo wadeen kuwaas oo daaranaa sidii la isugu soo dumi lahaa beelaha ku midaysan maamulkaas.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa u sheegay Warsidaha Faaqidaad in wada hadalo garnaqsi iyo isqancina ay dhex mareen Madaxweyne Madoobe iyo Jeneraal Fartaag kuwaas oo guulaystay.

Xogaha aanu helnay waxay intaas ku darayaan in Jeneraal Fartaag lagu qanciyey in lagu daro mudanayaasha Maamulka Jubaland u meteli doona Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Fartaag ayaa door libaax ka soo qaatay dhismihii maamulka Jubaland xili inta badan beeshiisu ay ka soo horjeedeen inay hoos tagaan maamul ay hogaanka u hayso  beesha Madaxweyne Madoobe laakiin xiriirka labada masuul ee mar ugu sareeyey Kismaayo ma ahayn waayadii danbe mid fiican.

Riix halkan si aad u dhegeysato Waraysiga Jeneraal Fartaag.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.