Jarmalka: “Waa dhabarjab bixitaanka UK” Angela Merkel

Raysal Wasaarada Jarmalka Angela Merkel waxay ugu yeertay go’aanka Ingiriisku ku gaaray inuu kaga baxo Midowga Yurub mid dhabar jab ku ah qaarada iyo midnimadeedii.


“Maanta waa u dhabar jab Yurub iyo geedi socodkii midaynta Yurub” Ayey tiri Merkel ka hor intii aaney ugu baaqin hogaamiyayaasha MY inaysan ku deg degin jawaab celinta aftida Ingiriiska.

Maadaama ay tahay hogaamiyaha ugu awooda badan Yurub isla markaana ay madax ka tahay dalka ugu dhaqaalaha weyn.

Waa lagama maarmaan in Merkel hogaanka u qabato wadaxaajoodka laga gelayo sida uu noqon doono xiriirka cusub ee Midowga Yurub iyo Ingiriiska.

Iyadoo weriyayaasha kula hadlaysay Berlin ayey sheegtay in Yurub ku filantahay helitaanka jawaabta ugu haboon, Iyadoo sii raacisay wadahadalada mustaqbalku waa inay noqdaan kuwo lagu xaqiijinayo xiriirka labada dhinac kuna dhisan iskaashi.

Madaxa Midowga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa ku baaqay in sida ugu macquulsan uguna deg degsan Ingiriisku u bilaabo geedi socodkii uu kaga bixi lahaa Brussels.

Markel kama soo yeerin baaq kaas la mid ah, Waxayna tiri waxaan hubin doonaa danaha muwaadiniinta iyo shirkadaha Jarmalka inta lagu jiro wadahadalada.

Waxay sheegtay Isniinta inay kula kulmi doonto Berlin Madaxweynaha Golaha Yurub, Madaxweynaha Faransiiska iyo Raysal Wasaaraha Talyaaniga.

Jawaab celinta hogaamiyayaasha dunida.

Madaxweynaha Maraykanka: Barack Obama ayaa leh dadka Ingiriisku waa hadleen waana ixtiraamaynaa go’aankooda, Xiriirkii gaarka ahaa ee Ingiriiska iyo Maraykanka u dhexeeyey waa sii socon doonaa.

Madaxweynaha Faransiiska: Francois Hollande ayaa sheegay inay aftidu si dhab ah imtixaan u gelisay Midowga Yurub, Isagoo sii raaciyey “Waan ixtiraamayaa go’aanka xanuunka badan ee dadka Ingiriisku qaateen”.

Wuxuu balanqaaday in Faransiisku ku sii socon doono wadashaqaynta uu la leeyahay dalka ay saaxiibada dhow yihiin ee Ingiriiska.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.

Madaxweynaha Ruushka: Vladimir Putin ayaa sheegay in natiijada aftidu muujinayso sida aysan dadka Ingiriisku ugu qanacsanayn soo galootiga iyo amaanka.

Putin wuxuu sheegay in aan la qiyaasi karin saamaynta bixitaanka Ingiriisku ku yeelan doono dhaqaalaha aduunka “Ma jiro qof doonaya in dhaqaaluhu xumaado”.

Musharaxa Jamhuuriga: Donald Trump  ayaa yiri “Waa wax weyn in dadka Ingiriisku dib u soo ceshadaan dalkooda”.

Madaxweynaha Poland: Andrzej Duda ayaa leh wax kastaa waa suurtagal, Waa in laga shaqeeyaa sidii looga gaashaaman lahaa in dalal kale ka baxaan Midowga.

Raysal Wasaaraha Estooniya: Taavi Roivas ayaa sheegay in loo baahanyahay in si adag loo shaqeeyo, Ma doonayno in aynu lumino midnimada Yurub.

Faransiiska, Holland iyo Talyaaniga: Xisbiyada siyaasad ahaan ka soo horjeeda Midowga Yurub iyo soo galootiga ayaa si weyn u soo dhoweeyey bixitaanka Ingiriiska iyagoo ku baaqay in dadkooda fursad loo siiyo afti taas la mid ah.

Merkal waxay shir jaraa'id ku qabatay Berlin.
Merkal wejigeeda waxaa ka muuqday murugo.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.