Jarmalka: Qaxooti badan oo dowlada dacwado ku soo oogay

Tirada magangelyo doonka ah ee dacwadaha ku soo oogay xafiiska Dowlada Jarmalka u qaabilsan socdaalka iyo qaxootiga ayaa si weyn kor ugu kacday sadexdii bilood ee ugu horeeyey sanadkan 2016 marka loo eego sanadkii tegey ee 2015.


Wargayska Thüringer Allgemeine ayaa ku xusay cadadkiisii maanta (Sabti) in 3,271 kiis oo ka dhan ah Xafiiska socdaalka iyo qaxootiga ee loo yaqaan BAMF ay la yaaleen maamulayaasha Maxkamadaha dhamaadkii bisha March.

Tiradaas ayaa muujinaysa koror dhan 40% sadexdii bilood ee sanadkan marka la barbar dhigo tirada sanadkii hore ee 2015, Taas oo ahayd 2,299 kiis.

BAMF ayaa dhowaan shaacisay xogtan kadib markii codsi uga yimi xubno ka tirsan Xisbiga garabka bidix ee dalka Jarmalka, Sida aanu ka soo xiganay Waragayska.

Ku dhowaad sadex meelood oo meel (1,066) kiisaskan waxaa laga diiwaan geliyey Gobolka North Rhine-Westphalia, Halka 849 Kiis ay yaalaan Gobolka Bavaria (Bayern).

Maamulayaasha nidaamka magangelyada Jarmalka ayaa shaqaynayey wakhtiyo dheeraad ah tan iyo intii dalku aqbalay 1.1 Malyan oo qaxooti ah sanadkii tegay, Tirada soo dalbanaysa codsiyada magangelyo waa mid sii kordhaysa sanadkan 2016.

Tan ayaa horseeday in qaxootigu mudo badan sugaan balanta waraysiga lagaga qaadayo halka kumanaan kale codsiyadoodii noqdeen kuwo iska xayiran.

Dacwadaha ka dhanka ah Wasaaradda waxa keena marka codsiyadu ay noqdaan kuwo aan go’aan lagaga gaarin wakhtiyadii ku haboonaa.

Haweenay afhayeenada u ah Xisbiga garabka bidix ayaa ku eedaysay Dowlada inay waxba ka qaban weyday kiisaska furan ee codsiyada magangelyodoonka.

Nin Soomaali ah oo Dowlada ka guulaystay.

Bishii tobnaad ee sanadkii hore 2015, Nin Soomaali ah ayaa ku guulaystay dacwad uu dowlada ku soo ogay kadib markii ay waxba ka qaban weyday codsigiisii magangelyo.

Ninka Soomaaliga ah ee ka guulaystay Dowlada.
Ninka Soomaaliga ah ee ka guulaystay Dowlada.

Maxkamada dastuuriga ah ee magaalada Osnabrück, Ayaa xukuntay sanadkii tegey in xafiiska BAMF uu haysto mudo 3 bilood si ay ogolaansho ama diidmo u siiyaan.

Ninkaas ayaa dowlada dacweeyey kadib markii mudo 16 bilood ah uu ka war sugayey codsigiisii magangelyo, Isagoo aan helin mudadaas wax jawaab ah.

Hadii aad jeceshahay inaad Faaqidaad kala socoto wararka iyo Warbixinada ku saabsan qaxootiga ku nool dalka Jarmalka, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com

Warbixintan oo ku qoran English waxaad ka daalacan kartaa (Halkan)

Faaqidaad + DW.

One Response to "Jarmalka: Qaxooti badan oo dowlada dacwado ku soo oogay"

  1. Hassan   11. June 2016 at 22:51

    Waad ku mahad santihiin wargayska Faaqidaada sida wacan aad wararka xaqiiqda ah aad noogu soo gudbinaysaan guul ayaan idiin rajaynaynaa shaqadana halkaa ka sii wada.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.