Jarmalka: Orodyahan la mooday is-miidaamiye

Muddo gaaban ayaa argagax laga dareemay agga Hamm ee magaalada labaad ee ugu weyn dalka Jarmalka ee Hamburg kaddib markii qof gaari kaxeynayay uu bilayska ku war-geliyay qof xiran jaakad u muuqata inay tahay kuwa ay xirtaan dadka is-qarxiya.
Magaalada Hamburg.
Magaalada Hamburg.

Wadaha gaariga ayaa bar ay dadweynaha waddada ka gooyaan ku arkay orodyahan xirnaa jaakad kuwa jir-dhiska loogu talagalay ah oo uu u qaatay inay tahay tan ay xirtaan is-miidaamiyeyaasha, wuxuuna tilmaamay inuu waddada ku dhex cayaaray kahor inta aanu gelin dhisme aagga ku yaalla.

Bilayska ayaa durba aagga u diray 60 askari oo ay ku jiraan kuwa Kumandoos-ka iyo kuwa rabshadaha ka hor taga si ay u soo qabtaan ninka lagu soo war-geliyay.

Jaakadda uu xirnaa ayaa ah mid loogu talagalay inay kordhiso ama laba-laabto kacsanaanta ruclada la sameeyo ama jimicsiga.

Laamaha Amaanka ayaa markii ay caddeeyeen in ninka argagixiyaha la mooday aanu qatar ku ahayn nabadgelyada isaga tagay goobta, Waxayse ka baqdin qabaan in dhacdada ay dad kale ku dhiirra-geliso inay sidaas oo kale soo gudbiyaan wax aan jirin.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.