Jarmalka oo masaafuriyey kumanaan qaxooti ah

Jarmalku wuxuu dib u bilaabayaa todobaadka dambe hawlgal uu ku masaafurinayey qaxootiga ka soo jeeda Afqaanistaan ee diidmada la siiyey, sida ay ku warantay warbaahintu.


Jarmalka ayaa hakiyey qorshe muran badan dhaliyey oo uu soo-galooti ku masaafurinayey kadib markii bilowgii bishan uu weerar weyni ka dhacay caasimada Afqaanistaan ee Kabuul.

Markuu weerarku dhacay ayey ku heshiiyeen dowlada Jarmalka iyo maamul goboleedyadu in la hakiyo masaafurinta ilaa inta Wasaarada Arrimaha Dibadu dib u qiimaynayso xaalada amaanka.

Idaacadda NDR iyo wargeyska Der Spiegel ayaa si gaar ah ugu waramay inay Arbacada ka duuli doonto Leipzig diyaarad sida muhaajiriin la masaafurinayo oo ku wajahan Kaabuul.

Jarmalka waxaa ku soo jabay sanadihii dambe qaxooti tiro badan.
Jarmalka waxaa ku soo jabay sanadihii dambe qaxooti tiro badan.

Tirada Guud ee la masaafuriyey

Intii u dhexeysay January iyo April 2017, Jarmalku wuxuu masaafuriyey 8,620 oo ku guul daraystay in la aqbalo codsigoodii magangelyo, sida uu soo bandhigay Booliska Federaalku.

Sanadii 2016 waxaa la masaafuriyey 25,000 kuwaas oo ah muhaajiriin aan lagu qancin dacwadahooda oo dowladu diidmo siisay, kana soo jeeda dalal dhowr ah.


Afartii bilood ee ugu horaysay sanadkan 11,195 qof oo diidmo la siiyey ayaa si iskood ah ugu laabtay dalalkoodii. 2016kii soo galootiga iskood u laabtay waxay ahaayeen 54,006.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.