Jarmalka oo ciidankiisa kala baxaya Turkiga

Wasiirka Gaashaandhiga Jarmalka Ursula von der Leyen ayaa u sheegtay warbaahinta inay bilaabi doonaan marka la gaaro bisha Julay inay ciidanka kala baxaan Turkiga.


Sida la filayo Sadex bilood ayuu qaadan doonaa dhaqdhaqaaqa ciidanka Jarmalku kaga baxayaan Turkiga ayna ugu wareegayaan fariisin cusub oo ku yaal dalka Urdun.

Ursula von der Leyen waxay sheegtay ilaa dhamaadka Jun, inay diyaaradaha Jarmalka ee ka hawlgala Suuriya ay ka duuli doonaan saldhiga magaalada Incirlik ee Turkiga.

Raxan ka mid ah diyaaradaha dagaalka Jarmalka ee Tornado ayaa fadhiya saldhig ku yaal Incirlik | © picture-alliance/dpa/Bundeswehr/F.Bärwald.
Raxan ka mid ah diyaaradaha dagaalka Jarmalka ee Tornado ayaa fadhiya saldhig ku yaal Incirlik | © picture-alliance/dpa/Bundeswehr/F.Bärwald.

Wargeyska Bild ayaa soo xigtay iyada oo leh “markaas wixii ka dambeeya diyaaradaha shidaalka xambaara waxaanu sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejin doonaa Urdun”

Jarmalka waxaa ka jooga saldhiga Incirlik 250 askari, kuwaas oo duuliya diyaarado shidaal siiya kuwa duqeeya Daacish iyo diyaarado dagaal oo hawlgal basaasida ka wada Suuriya.


Go’aanka Jarmalku ku gaaray inuu kala baxo ciidankiisa Turkiga ayaa yimi markii uu xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labadan dal oo xubno ka ah NATO.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.