Jarmalka ayaa ku kharash garayn doona 94 Bilyan oo Euro qaxootiga 5ta sano ee soo socoda- Warbixin

Dowlada Jarmalka ayaa filaysa inay ku kharash garayso 94 Bilyan oo Euro (oo u dhiganta $ 106 Bilyan) taageerida qaxootiga shanta sano ee soo socoda, Sida ay ku waramayaan Warbaahinta Dalkaas.

Der Spiegel oo ah Wargeys todobaad le’ah ayaa soo xigtey cadadkiisii Sabtidii Waraaqo ay leedahay Wasaaradda Maaliyada kuwaas oo ku baaqaya in 93.6 Bilyan oo Euro lagu kharash gareeyo qaxootiga shanta sano ee soo socda.

25.7 Bilyan oo Euro ayaa la filayaa inay aadaan Kharashaadka Arrimaha Bulshada gaar ahaan lacagaha la siiyo dadka aan shaqada haysan iyo kuwa kirada Guryaha laga bixiyo.

1.1 Milyan oo qof oo magangelyo raadis ah ayaa Jarmalka iska soo dhiibay sanadii 2016.
1.1 Milyan oo qof oo magangelyo raadis ah ayaa Jarmalka iska soo dhiibey sanadii 2016.

5.7 bilyan oo Euro ayaa loo xisaabiyey koorsooyin dhinaca luuqada ah halka 4.6 Bilyan loo qoondeeyey sidii qaxootiga looga taageeri lahaa inay dhexgalaan suuqyada shaqada.

Lacagaha qaar waxaa lagu bixin doonaa dadaalo lagu doonayo in lagu ogaado sababta dadka dalalkoodii ka soo qaxay ay dalka Jarmalka uga dhigtaan meesha ugu horaysa ee ay magangelyo ka dalbadaan.

Saraakiisha Dowlada ayaa qiyaasaya inay hoos ugu dhacdo tirada dadka magangelyada soo weydiisanaya Jarmalka 600,000 sanadkan, 400,000 Sanadka soo socda iyo 300,000 oo sanadkasta ah ilaa laga gaarayo sanada 2020ka.

Sida ay xisaabinayaan qiyaas ahaan 55% dadka loo aqoonsado inay yihiin qaxooti rasmi ah waa inay shaqo ku helaan 5 sano gudahood.

Sida loo qaybsanayo kharashka.

Afhayeenka Wasaaradda Maaliyada ayaa diiday inuu wax ka yiraahdo tirada lacagta, Si kasta ahaatee wuxuu qiray inay jiraan wada hadalo u socda Dowlada Federaalka iyo Wakiilo ka socda 16ka Dowlad Goboleed ee dalku ka kooban yahay.

31 May ayey kulmi doonaan labada dhinac iyagoo markaas cadayn doona qaabka loo kala qaybsan doono kharashka laakiin Dowlad Goboleedyada ayaa mudo dheer ka cabanayey inay culays ku tahay wax ka qabashada dalabaadka qaxootiga tirada badan ee dalka soo gelaya.

Dowlada ayaa rajaynaysa in tirada magangelyo doonku hoos u dhici doonto sanadkan iyo sanadaha danbe.
Dowlada ayaa rajaynaysa in tirada magangelyo doonku hoos u dhici doonto sanadkan iyo sanadaha danbe.

Wargayska Der Spiegel ayaa sabtidii ku warbixiyey in la filayo Dowlad Goboleedyadu inay wajahaan 21 Bilyan oo Euro sanadkan taas oo kor ugu kici doonta 30 Bilyan marka la gaaro sanada 2020ka.

Wargeysku wuxuu leeyahay Dowlad Goboleedyadu waxay doonayaan in Dowlada Federaalku qaado kala bar kharashaadka ku baxaya qaxootiga laakiin Berlin waxay leedahay odoroska xisaabeed ee Dowlad Goboleedyadu maaha mid saxan.

1.1 milyan oo qof oo magangelyo doon ah ayaa Jarmalka soo galay sanadkii tegey ee 2015 intooda badana waxay ka yimaadeen wadamada Suuriya, Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Dadweyne tiro badan ayaa ka carooday Raysal Wasaarad Angela Merkel siyaasadeeda soo dhoweynta ku dhisan ee ku aadan qaxootiga kuwaas oo taageeradooda u weeciyey Xisbiga midigta fog ee AFD (Alternative for Germany) ee sida adag uga soo horjeeda soo galootiga, Isagoo guulo la taaban karo ka gaarey doorashooyinkii ugu danbeeyey ee ka dhacay 3 Dowlad Goboleed.

Sidoo kale Xisbiga CSU ee maamula Gobolka Bavaria oo ay mataano yihiin Xisbiga CDU ee Merkel ayaa si joogta ah uga soo horjeeda qaxootiga tirada badan ee dalkaas ku soo qulqulaya iyagoo xataa ugu hanjabey Dowlada inay si madax banaan u maamulan doonaan xuduudooda hadii aysan wax ka bedelin siyaasadaheeda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.