Janaraal Afguduud oo gaari xoog loogala wareegay

Ciidamo uu wato Taliyaha Dekeda Boosaaso Maxamed Cabdi Xaashi ayaa shalay weerar ku qaaday guriga uu ka degen yahay magaalada Garoowe Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Janaraal Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud), Sida ay Warsidaha Faaqidaad u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Xaashi iyo Ciidankii uu watay ayaa ku wargeliyey ilaalada taliyihii hore inay ku soo wareejiyaan gaari nooca dagaalka ah (Tikniko) oo guriga dhex yaalay hadii kale ay wajihi doonaan dagaal.

Afguduud oo markaas guriga ku sugnaa ayaa loo sheegay in ciidamo ku wareegsan yihiin gurigiisa isla markaana laga dalbanayo inuu soo wareejiyo gaariga tiknikada ah ee ilaaladiisu wataan.


Sida qorshuhu ahaa gaariga waxaa lagu dari lahaa xilwareejintii maanta dhacday laakiin Taliyaha Dekeda ayaa diiday isagoo ku andacoonayey in gaarigaas ay leeyihiin ciidanka dekedu.

Si looga baaqsado isku dhac Janaraal Afguduud ayaa gaarigii ku wareejiyey Korneel Xaashi kaas oo isla shalay la soo aaday Magaalada Boosaaso, Sida ay xaqiijinayaan xogaha aanu helnay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye guuto Cabdulqaadir Farax Shire (Ereg) ayaa maanta munaasabad ka dhacday Garoowe xilkii ka gala wareegay Taliyihii hore ee ciidankaas Janaraal Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Afgaduud).

Laba jeer oo hore ayaa dib loo dhigay xil wareejinta kadib markii Ereg diiday inuu la wareego deymo uu ka tegey Taliyaha hore, Laakiin Madaxweyne Gaas ayaa markii danbe xaliyey deymaha lagu muransanaa.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.