Israel: Cunaqabataynta saaran Qaza waa sii socon doontaa

Raysal Wasaarayaasha Israel iyo Turkiga ayaa xajiijiyey soo celinta xiriirkii diblamaasiyadeed ee labada dal, kaas oo go’ay kadib markii israel dishey Turki deeq samafal ah u wadey Qaza.


Raysal Wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in si dhakhso ah ay isu dhaafsan doonaan Safiirada.

Soo celinta xiriirka diblamaasiyadeed ayaa yimi kadib markii ay mira dhal noqdeen wada xaajood qarsoodi ahaa oo mudo sanad ku siman soo jiitamayey.

Xiriirkii labada dal ayaa burburay kadib markii Komaandoosta Israel dishey 10 Turki ah oo dooneyey sanadii 2010 inay deeq samafal ah gaarsiiyaan marinka Qaza oo Yuhuudu cunaqabatayn ku haysay.

Heshiiska.

Heshiiska ayaa dhigaya in 20$ million Israel siiso qoysaska dadkii ay laysay.

Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in cunaqabataynta dhanka xeebta ay sii saarnaan doonto Qaza. Isagoo raaciyey inay muhiim u tahay ka hortaga hubka lasoo geliyo marinkaas.

Ankara ayaa horay shardi uga dhigtay qaadista cunaqabatayntaa soo celinta xiriirka laba dal.

Yildirim ayaa sheegay in heshiiska ay qayb ka tahay in Turkigu deeq gaarsiiyo Qaza, markab sida 10,000 tan oo gargaar ah ayaa ku xiran doona dekada ashdod Jimcaha.

Isagoo raaciyey waxan ka dhisaynaa Qaza cusbataal laba boqol oo sariirood qaada.

Calamada Israel iyo Turkiga.
Calamada Israel iyo Turkiga.

Colaadaha ka aloosan bariga dhexe gaar ahaana Suuriya iyo arrimo dhaqaale ayaa la aaminsanyahay inay qayb katahay isu soo dhowaanshaha labada dal.

Dhanka dhaqaalaha Israel wexey doonaysaa inay gaaska dhowaan laga helay dalkaas u iib geyso Yurub. Turkiga ayaa dhankiisa doonaya inuu dhimo ku tiirsanaanta gaaska Ruushka.

LIKE saar boga Faaqidaad ee Facebook. 

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.