Iran iyo Boing oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $25 bilyan

Shirkada Boing ayaa ku dhawaaqday inay la gashay Iran heshiis ay 100 diyaarad kaga iibsanayso shirkada Iran air. Heshiska qiimahiisua waxa lagu qiyaasayaa $25 bn.


Heshiiska ayaa ah talaabo wayn ee laga gaaray xiriirka dhaqaale ee u dhaxeeya Iran iyo Maraykanka, Kadib markii cunaqabatayntii laga qaaday Iran sanadkii hore.

Boing ayaa sheegtay inay la shaqaynayso hay’adaha sharciyada ganacsiga ee Maraykanka si ay ogolaansho uga helaan Washington.

Hadii heshiiskani uu ka helo ogolaasho Maraykanka, Waxay noqonaysaa heshiiskii ganacsi ee ugu waynaa ee dhexmara Iran iyo Maraykanka tan iyo intii uu Tahran ka dhashay kacaankii 1979.

“Boing ayaa sii wadi doonta inay kala shaqayso dowladda Maraykanka heshiiskan, Wuxuuna ku xirnaan doonaa meel marintiisu ogolaashaha aanu ka helno dowlada.” Ayaaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkada Boing.

Iran Air ayaa xaqiijisay in heshiiska ay ku gadanayso diyaaradaha 737 iyo 77.

Wasaaradda hawada ee Iran ayaa doonaysa inay suuqa soo geliso 400 ilaa 500 oo diyaaradoo tobanka sano ee soo socda.

Waa heshiiskii ugu balaarnaa ee ay iiraan gasho tan iyo markii laga qaaday cuno qabataynta dhaqaale.

Diyaarad ay leedahay shirkada Iran Air.
Diyaarad ay leedahay shirkada Iran Air.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.