“In ku dhow 3,000 oo sano ayey ku qaadan doontaa Turkiga ku biiritaanka EU” David Cameron

David Cameron.
David Cameron.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa meesha ka riixay suurtagalnimada in Turkigu waqti dhow ku soo biiro Midowga Yurub, Isagoo yiri waxay ku qaadan doontaa Ankara inay ku soo biirto qiyaastii ilaa 3,000 oo sano.

Hadalkiisa ayaa jawaab u ahaa hadal uu horay  u yiri mid ka mid ah Golihiisa Wasiirada oo sheegay in Turkigu ku soo biiri doono Midowga Yurub.

Waraysi uu sii yey  ITV ayuu ku sheegay inaysan qorshaha dhow ku jirin in Turkigu ku soo biiro Yurub, Sidoo kale wuxuu cadeeyey dalka Ingiriirku inuu saari karo codka diidmada qayaxan dalkasta oo doonaya inuu mustaqbalka ku soo biiro EU.

Wuxuu sheegay saadaashii ugu danbaysay inay muujinayso in Turkiga ay ku qaadan doonto 3,000 oo sano inay ku soo biiraan Midowga Yurub, Iyagoo soo dalbaday xubinimada sanadii 1987.


Wasiirka Ciidamada qalabka sida ee dalkaas Penny Mordaunt ayaa horay u sheegay inay u badantahay in Turkigu mudo sideed sano gudahood ah uu ku soo biiro Midowga Yurub.

Mordaunt oo ka mid ah xubnaha u ololaynaya in Ingiriisku ka baxo Yurub,  Ayaa sheegay in Turki 1 Milyan ka badan ay soo degi doonaan Ingiriiska sideeda sano ee soo socota, Taas oo sii kordhin doonta cabsida laga qabo amaanka, Sababta oo ah dembiyada ka dhaca dalka Turkiga waa kuwo ka badan kuwa laga geysto Ingiriiska, Siduu ku doodayo.

Kooxaha doonaya in laga baxo Yurub ayaa baahiyey muuqaal ay ugu baaqayaan dadka dalkaas inaysan rumaysan Raysal Wasaaraha marka ay timaado mustaqbalka Turkiga ee ku biirida EU.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.