Imaaraadka oo xayiraad safar dul dhigay RW India kadib markii uu Soomaalida bahdilay

Raysal Wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa ku tilmaamay Gobolka Kerala inuu ka liito dalka Soomaaliya marka ay timaado dhimashada caruurta yar yar hadalkaas oo ka caraysiiyey dadweynaha Gobolkaas oo iyagu muujiyey sida ay uga xunyihiin in la barbar dhigo dalka dagaalada sukeeye la degeen ee Geeska Afrika.

Wasiirka Difaaca Imaaraadka Maxamed Bin Zayed iyo RW Hindiya. Abu Dhabi.
Wasiirka Difaaca Imaaraadka Sh. Maxamed Bin Zayed iyo RW Hindiya Narendra Modi, Abu Dhabi.

Carada ka dhalatay hadalka Mr. Modi kuma ekaan oo keliya gudaha wadankaas ee waxay gaartay wadanka Isutaga Imaaradka Carabta oo isagu qaadan waayey sida foosha xun ee Raysal Wasaaruhu u adeegsadey magaca Soomaaliya oo ah dal Carbeed.

Raysal Wasaaraha Imaaraadka Carabta Sh. Maxamed Bin. Raashid oo la hadlayey warbaahinta ayaa ayaan daro ku tilmaamay hadalka dhigiisa dalka Hindiya isagoo ka dalbaday inuu ka bixiyo raali gelin.

” Waxaan ku soo rognay RW Modi xayiraad dhinaca safarka ah mana soo geli doono dalkayaga ilaa uu raali gelin buuxda ka bixiyo hadalkiisii” Ayuu yiri Sh. Maxamed bin Raashid.

Wuxuu ku goodiyey in xayiraada dhinaca safarka ah ee Imaaradka Carabtu ku soo rogay RW Modi aysan ku koobnaan doonin iyaga oo keliya balse mar dhow dalalka gacanka Khaliijka sida Sucuudiga, Qadar, Kuweyt iyo Cumaan ay soo saari doonaan go’aamo la mid ah taasina ay qiime sare ugu kici doonto Dalka Hindiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Hindiya ayaa lagu wadaa inay u dirto magaalada Dubai  Xildhibaan Suresh Gopi oo isagu ka tirsan aqalka sare ee dalkaas isla markaana laga soo doorto Gobolka Kerala talaabadaas oo lagu doonayo in si caadi ah loogu soo celiyo xiriirkii labada dal.

Imaaraadka Carabta ayaa kaalinta 3-aad kaga jira dalalka Hindiya u dhoofiso badeecadaheeda sidoo kale kaalinta 4-aad ayuu kaga jiraa wadamada ay kala soo degaan waxyaabaha ay dibadaha uga baahdaan.

in ka badan 2 Milyan oo Hindi ah ayaa ka xoogsada dalka Imaaraadka iyagoo lacago adag dalkoodii dib ugu celiya, Taas oo ka dhigan in Dalka Hindiya aanu sinaba uga maarmi karin Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulada kale ee Dalka ka jira ayaan wax dareen ah ka muujin hadalkaas qadafka ah ee ka soo yeeray Raysal Wasaare Narendra Modi.

FG: Waxaanu ka soo xiganay Theunrealtimes oo ah mareeg laga leeyahay Dalka Hindiya oo qorta waxyaabaha maadaysiga ah.

Faaqidaad.

8 Responses to "Imaaraadka oo xayiraad safar dul dhigay RW India kadib markii uu Soomaalida bahdilay"

  1. Daud Abdikarem   13. May 2016 at 21:01

    wll wan jeclanlahyn inay sasi dhacdo lkn ma aysan dhicin United Arab emiratena kama mabnucin wadan kisa PM narenda modi

    Reply
  2. badri abdi   14. May 2016 at 9:28

    Walahi wa wax laga xumado wayo tasina way ino danbaysay waxa so dhan waxa nogu wacan wa dowlad lihida manta na haysata hadan nahay somali ilahay ha no gar garo wayo xasan shekh mesha waxba kuma hayo ila hada wali kamun hadli hadalka ka so yeedhay ninka hindiga a haye marka maxa lagu shegan madaxwayne u iska hurda mid dhama ilahay ha keeno hadan nahay somali

    Reply
  3. salah   14. May 2016 at 22:38

    thanks emerats, brothers

    Reply
  4. Eng:Muhanad abdikadir maxamuud   15. May 2016 at 0:19

    Aad ayaan uga xumahay sharfatii somaliya in meel lagag dhoco Balse waxaa Taa igaga sii daran Mamul Gableyada iyo madaxwayna wadanka somaliya inay isfarax san yihiin oo aad modaysid inay ku Haboontahay cayda wadankooda gurguurte iyo daba dhilafaka somaliya illahow naqabo cadawaga somalia wixii kuha illahay sharftii somaliya noo soo celi iyo karamadii umada somaliyeed waana waxa lag xumaado Runtii laakin inagaa saas isku gaysanay umada Qaran oo layaqaano baynu ahyn maanta caruurta Hindia oo Faqiirta ah oo bilaa nafaqada u Dhimata ayaa tusalee losoo Qadanayaa shacabka intaa leg inay lamid yihiin kuwaas darxumadu Dishay waa yaaab walaahi saas

    Reply
  5. Abdikarim   15. May 2016 at 6:44

    Aad iyo aad ayaan ugu soo dhaweynayaa Dadkaa Carbeed ee maanta Carb Nahum tilmaamey aanan ilaa xoogey naga maqneyd.

    Reply
  6. Abdulhakiim Gambayare   15. May 2016 at 7:06

    Nasiib daro waxa ah dalkiina kacayey in madaxdiisii kahadlin lakiin dalkale lahadley away madaxdui somalia waa inad ficil lamida kan emirat qadey qadatan magaca somalia qiimo ayuu leyahay cidii ku xadgudubtana waa in talabo laga qada shacabka somaliyed ee 18ka gobol ee dalka kunooli waa inay mudajaradyo arintas looga soo horjeedo mujiyan waa mahadsan tihiin

    Reply
  7. Maxamedaamincade   26. May 2016 at 19:44

    walaal waanu ku haboonahay in saa naloo caayo maadaama aan anagu isku kacsanahay oo aanan is aaminayn somalidana waxay utahay cashar maadaama 25ay iyagu iscunayeen dalalka dibada ah si kadaran u caayayeen sharaftoodii 1971 ay lahayen iyaga iskaga ciyaaray

    Reply
  8. Abukar Mohamed Abdullahi   28. May 2016 at 14:31

    Waxaa Wax Laga xumaado ah runtii in Aflagaado Nuucaan oo kale ah aysan Kajawaab Bixin Madaxda Dowladda Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Balse Waa Ilaahey Mahadii Iney Jiraan Dal muslim ah oo Aflagaadadaasi Ka Jawaabey Inuu Jiro Imaaraadka Walaalaheen Taariikhda ayaa Idin Xusi doonta

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.