Imaaraadka ayaa ku xukumay “Ganaax lacageed & Masaafurin” Haweeney isticmaashay teleefonka Seygeeda

Maxkamada Denbiyada Magaalada Cujmaan ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku heshey haweenay inay jebisay xuquuqda u gaarka ah seygeeda kadib markii ay adeegsatay Teleefankiisa gacanta ogolaansho la’aan, Sida uu sheegayo qareenkii u doodayey.

Haweenayda waxaa lagu xukumay ganaax lacag oo dhan 150,000 oo dirham (una dhiganta $41,000) iyo in laga masaafuriyo dalka Imaaraadka sida ay go’aamiyeen xeer beegtu.

Eman Sabt oo ah qareenkii u doodayey haweenaydaas wuxuu u sheegay warbaahinta in lamaanuhu yihiin Carab isla markaana ay ku jiraan de’dii sodomeeyada.

Seygeedu ma siin ogolaansho ay ku eegto teleefankiisa.
Seygeedu ma siin ogolaansho ay ku eegto teleefankiisa.

Xukunka ayaa dhacay 12 May sida uu cadeeyey qareenku, Waxaana sidaa daabacay  maanta oo warbaahinta caalamku ka soo xigatey Wargeyska ugu weyn ee dalkaas ka soo baxa Gulfnews.

Haweenayda ayaa fursad u heshay inay isticmaasho Teleefanka gacanta seygeeda kadibna waxay keeda kaga xawilatey sawiro iyadoo adeegsanaysa aalada Whatsapp-ka.

Goor danbe waxay ku eedaysay ninkeeda inuu xiriir la leeyahay haweenay kale.

Mudo yar kadib ninkii wuxuu la tiigsaday Maxkamada isagoo ku eedeeyey inay isticmaashay Teleefankiisa gacanta ogolaansho la’aan.

Xeer beegta maxkamada ayey ka hor qiratay inay ku kacday falkaas.

Haweenayda ayaa lagu soo oogay denbigaas iyadoo loo cuskaday xeerka ciqaabta ee Lr. 212 iyo xeerka ciqaabta denbiyada internetka, Xeerka Dowlada Federaalka ee Lr 5 soona baxay 2012 farqadiisa 21 taas oo dhigaysa in qofka lagu helo denibayadaas lagu xukumo ugu yaraan 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo aan ka yarayn 150,000 oo dirham.

Maxkamada Imaarada Cujmaan ayaa xukunkan riday.
Maxkamada Imaarada Cujmaan ayaa xukunkan riday.

Si kasta ha ahaatee sharcigan horay waxaa loogu adeegsan jiray dadka jabsada ama gala denbiyo la xiriira dhinaca Internetka laakiin xeerku waa qabanayaa qofkii ku xad gudba arrimaha u gaarka ah qof kale ee dhinaca internetka.

Xukunkan ayaa u diraya fariin baraarujin ah haweenka ku dhaqan Imaaraadka kuwooda basaasa Teleefanada gacanta ee nimankooda.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad, Warkan waxaanu ka soo xiganay wargeyska Gulfnews hadii aad jeceshayhay inaad akhrisato isagoo ku qoran luuqada Englishka halkan (Riix).

Leave a Reply

Your email address will not be published.