Iiraan waxay khatar ku tahay amaanka carabta

Madaxweynaha Soomaaliya oo u waramayey wargeyska Alsharqul Awsat ayaa difaacay talaabadii dalkiisu xiriirka ugu jaray Iiraan. “Inkasta oo aan u baahanahay taageero nooc walba ah, hadana ma ogolaan karno in qaybsanaan mad-hab ku dhisan Soomaalida la dhexdhigo” Ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud.


Xiriirka Soomaaliya la leedahay qaar ka mid ah dalalka Carabta ayuu ku tilmaamay mid aad u wanaagsan, Sucuudiga ayuu sheegay in xiriir aad u fiican kala dhexeeyo.

Soomaaliya ayaa xubin ka ah isbaahaysiga Sucuudigu horkacayo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman, sidoo kale Muqdisho waxay xubin ka tahay xulufada dalalka Islaamka ee ladagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa u sheegay Wargeyska in Sucuudigu ka caawinayo Soomaliya dib u dhiska Ciidanka Qaranka. Isagoo xusay in Riyaad u soo dirtay wafdi heer sare ah si ay u qiimeeyaan baahiyaha Ciidanka.

Madaxweynaha wuxu difaacay waxqabadkiisii afartii sanadood ee uu xilka hayey, Maamul Goboleedyada ayuu sheegay inay dhismeen marka mid laga reebo kaas oo isaguna dhismaya buu yiri doorashada ka hor.

“Soomaaliya waxay haysaa dhabihii dib usoo kabashada” Ayuu sii raaciyey Madaxweynuhu hadalkiisa, isagoo tusaale u soo qaatay inay 40 dal safaarado ka furteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Falanqaynta Faaqidaad.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii labaad sharaxan, iyadoo loo mudeeyey 30 Oktoobar inay dalka ka qabsoonto doorashada madaxtinimo. Waa kuwan Lix tiir uu Madaxweynuhu udub dhexaad uga dhigay wax qabadkiisa, kuwaas oo aan wax badani ka hirgelin.

  1. Xasilinta dalka, sarraysiinta sharciga iyo dowlad wanaagga.
  2. Soo nooleynta adeegyada bulshada.
  3. Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
  4. Soo nooleynta dhaqaalaha dalka.
  5. Midnimada iyo wada jirka umadda.
  6. Abuuridda xiriir caalami ah.

Xasilinti dalka ama nabad gelyada, Madaxweynuhu wuxu ku guul daraystay dhismaha Ciidan Qaran oo bedela AMISOM. Ma jiraan adeeg bulsho oo dawladu dadka siiso, mana jirto dib u heshiisiin dalka ka dhacday, qaybo badan oo ka mid ahna xasarado ayaa ka taagan.

Dhanka Midnimadda, wada hadalo muddo soo jiitamayey oo Dawlada Federaalku kula jirtay Somaliland ayaa miro dhal noqon waayey. Ma jiro Shaqo abuur iyo maalgelin dawladu samaysay, waxase jiro dedaalo qurba joogta iyo ganacsato Soomaaliyeed dalka ka wadaan.


Siyaasada dibadda ayey dawladu guulo ka gaartey, dalal badan ayaa Safaarado ka furtay Muqdisho. Sagaalkii bishan ayey ahayd markii Wasiiraka Arimaha Dibadu ka gudoomay waraaqihii safiirnimo safiirka cusub ee Maraykanka.

Stephen Schwarts ayaa noqonaya safiirkii ugu horeeyey ee Maraykan ah oo Soomaaliya ka hawlgala mudo ku siman 25 sanadood.


Si aad u rukumato wararka Faaqidaad Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.