Iiraan oo maraakiib dagaal u dirtay Cumaan

Axadii ayey Iiraan ka dirtay dekeda koonfurta dalkaas ku taal ee Bandar Abbas labo markab oo ku wajahan Cumaan, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Tasnim.


Markab wax burburiya oo lagu magcaabo Alborz iyo mid sahayda qaada oo loogu yeero Bushehr ayey Iiraaniyiintu u soo direen Cumaan, kuwaas oo hada maraya biyaha caalamiga ah.

Marka ay maraakiibtani dhamaystaan hawlgalka ay u tegeyaan Cumaan, waxay uga sii gudbi doonaan gacanka Cadmeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yaman.

Sahand waa markab wax burburiya oo dhowaan Iiraan samaysatay.
Sahand waa markab wax burburiya oo dhowaan ay Iiraan samaysatay.

Axadii ayey ku laabteen Iiraan labo markab oo kuwa dagaalka ah oo mudo labo bilood ah hawlgal ka waday xeebaha gacanka Cadmeed.

Maraakiibta Iiraan waxay la samayn doonaan dhoolatus ciidamada badda Cumaan, iyagoo markaas kadib dusha kala socon doona duqaynta uu Sucuudigu ka wado Yaman.


Iiraan ayaa xoojisay joogitaankeeda Gobolka tan iyo markii uu khilaafku ka dhex qarxay dalalka Khaliijka, iyadoo taageertay Qadar una dirtay saad.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.