Iiraan oo gantaalo ku duqaysay Suuriya

Iiraan waxay ku riday Axadii gantaalo ballistik ah bariga Suuriya, halkaas oo ay ku bartilmaameedsatay maleeshiyaad, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Tasmin.


Iiraan ayaa qaaday weerarkan oo aargudasho u ah weerar todobaadkii hore lala beegsaday Tahraan oo ay ku dhinteen 18 qof, masuuliyadiisana ay sheegteen kooxo ku sugan Suuriya.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa kaga soo gamay galbeedka dalkaas gantaalo ballistik ah Gobolka dhaca Bariga Suuriya ee Deir al Zour.

 Shahab-1 wuxuu ka mid yahay gantaalada ridada dhexe ee ay samayso Iiraan.
Shahab-1 wuxuu ka mid yahay gantaalada ridada dhexe ee ay samayso Iiraan.

“Gantaaladu waxay dileen oo burburiyeen hubkoodii tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadka xagjira ee ku sugan gudaha Suuriya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Iiraan.

Waa markii ugu horaysay oo ay Iiraan dalkeeda ka duqayso dal kale iyadoo adeegsanaysa gantaalada ridada dhexe, taas oo calaamad u ah awooda sii kordhaysa ee dalkaas.


Israa’iil iyo Sucuudiga oo xifiltan uu kala dhexeeyo Iiraan waxay ka argagaxeen weerarkan, iyadoo la filayo inay ku cadaadiyaan Maraykanka inuu ka hortago Tahran.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.