Hoos u dhaca qiimaha shidaalka dunida oo Muqdisho laga mahadiyey

Dalalka soo saara shidaalka waxay la daalaa dhacayaan qiima dhaca ku yimi wax soo saarkoodii, taas oo si weyn u saamaysay dhaqaalahooda.


95Bilyan oo doolar ayey is dhintay miisaaniyada boqortooyada Sucuudiga, halka dhaqaalihii Venezuela gebi ahaanba burburay dadkuna safaf dhaadheer u galaan sidii ay u hali lahaayeen cuntooyinka daruuriga ah.

Qiimaha shidaalka ayaa gaaray July, 2014 115$ ka hor intii aanu si xawli ah hoos ugu dhicin, Isagoo gaaray bishii koowaad ee sanadkan halkii ugu hoosaysay mudo tobonaan sano ah 28$.

Soomaaliya oo 100% shidaalka laga isticmaalo dibada laga soo dejiyo waa u farxad iyo horumar dhaqaale in qiimaha shidaalku xadi intaas le’eg hoos u dhaco.

Tvga Aljazeera ayaa Muqdisho ka soo diyaariyey warbixin uu ku eegayo sida Soomaalidu u mahadiyeen hoos u dhaca qiimaha shidaalka.

Like saar boga Faaqidaad ee Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.