Hawlaha Gudiga doorashooyinka Puntland oo la daah furay

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, Siyaasiyiin, Saraakiil ka socda Beesha Caalamka iyo Marti sharaf kale ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu daah furayey hawlaha Gudiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan Baarlamaanku codka kalsoonida siiyey.

Gudiga ayaa soo bandhigay wadiiqooyinka ay u mari doonaan hawlaha horyaala iyagoo dalbaday in lala shaqeeyo halka dadkii munaasabadaas ka hadlay ay ku booriyeen inay la yimaadaan dadaal isla markaana u gutaan shaqada loo igmaday si waafaqsan sharciga, Cadaaladana u eexdaan.

Axmed Kismaayo oo horay u soo ahaa Weriye mudo dheer ayaa hogaanka u haya Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland
Axmed Kismaayo oo horay u soo ahaa Weriye mudo dheer ayaa hogaanka u haya Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland

Gudoomiyaha Gudiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Axmed Maxamed Cali (Kismaayo) ayaa balan qaaday inay ka soo bixi doonaan doorkooda ayna dalka u hayaamin doonaan hanaanka asxaabta badan waa hadii ay gacan ka helaan Dowlada iyo Shacabka sida uu hadalka u yiri.

Beesha Caalamka ayuu qiray in aan doorkooda laga maarmi karin maadaama laga filaayo inay bixiyaan inta badan dhaqaalaha ku bixi doona hawl socodsiintooda.

Saraakiishii ka socday dhinaca Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday inay bixin doonaan wixii taageero ah ee looga baahdo iyagoo xasuusiyey xubnihii madasha fadhiyey muhiimada uu leeyahay nidaamkaasi.

Xubno ka tirsan Gudiga Dooraashada iyo marti sharaf kale.
Xubno ka tirsan Gudiga Dooraashada iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Axmed Cali Xaashi oo 4 ka mid ah xubnaha gudiga soo magcaabay ayaa u balan qaaday ka Baarlamaan ahaan inay si dhow ula shaqayn doonaan isagoo xusay inay horay u meel mariyeen xeerar badan oo fure u ah hanaankaas.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey) oo soo xiray munaasabadaas ayaa sheegay ka Xukuumad ahaan inay ka go’an tahay dhamaystirka geedi socodka dimuqraadiyada ayna dhabada u xaari doonaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.

Milicsi kooban

In Puntland u guurto hanaanka asxaabta badan ayaa ka mid ahaa rukumada axdi qarameedkii lagu dhisay maamulkaas sanadkii 1998 laakiin 18 sano oo nabad iyo nidaam la haystay Xukuumadihii soo maray waa ku guul daraysteen inay fuliyeen qodobkaas Dastuuriga ah.

Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday inuu hirgelin doono nidaamkaas laakiin dadka dhaleeceeya waxay leeyihiin dadaal badan kama gelin in la bilaabo hayankaas iyagoo tusaale u soo qaadanaya inay ku qaadatay ku dhowaad 2 sano iyo bar inuu soo magcaabo Gudigii hawshaas fulin lahaa oo iyagu asaas u ah hirgelintiisa.

Faarax Cali Shire (Bartamaha) Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland ayaa lagu wadaa inuu Urur Siyaasadeed furo dhowaan.
Faarax Cali Shire (Bartamaha) Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland ayaa lagu wadaa inuu Urur Siyaasadeed furo dhowaan.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.