Golaha Amaanka oo canaantay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Raysal Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa kulan la qaatay Xubnaha Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo maanta soo garaaya magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Xalane iyadoo diirada lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa geedi socodka loogu jiro sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinkii la asteeyey sanadkan 2016.

Wasiir ka tirsan xubnihii ka qayb galay kulan oo la hadlay Warsidaha Faaqidaad ayaa u xaqiijiyey in wada hadalku ku soo dhamaaday si guul ah waloow uu sheegay in Madaxda Dowlada Federaalka lagu canaantay inay ka gaabiyeen sidii ay Baarlamaanka ugu qancin lahaayeen meel marinta sharcigii lagu geli lahaa doorashada.

Xubno ka mid ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay
Xubno ka mid ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

Doorashada oo dib loo dhigo.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay in aan la aqbali doonin mudo kordhin, Sidaa darteedna looga baahan yahay in madaxda Dowladu dhabada u xaaraan doorashooyin xor ah oo xiligoodii ku qabsooma sida uu fahansanyahay Warisadaha Faaqidaad.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu u xaqiijiyey Golaha Amaanka inaysan doorashadu dib u dhici doonin.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xustay in xubnaha Golaha Amaanku  ugu baaqeen Dowlada Federaalka iyo Maamulada kale inaan la dayacin fursadda taariiikhiga ah ee la haysto isla markaanka la hubiyo sidii dalka doorashooyin uga dhici lahaayeen iyadoo laga fogaanayo inuu waqtiga lumo maadaama muddada harsan ay aad u yar tahay.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaan ku qancin qorshaha Golaha Amaanku ku doonayo inay siyaabo gaar gaar ah ugu arkaan hogaamiyayaasha Soomaalida sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Kulankii ay maanta la yeesheen Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu Baarlamaanka ayaa muhiimadiisu ahayd sidii ay u muujin lahaayeen inay daacad ka yihiin meel marinta heshiiskii madasha, Maadaama beesha caalamku sheki ka qabto sida ay madaxda Dowlada Federaalka uga go’antahay ansixinta heshiiskaas.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.