Garoonka diyaaradaha Kolon/Bonn oo baqdin dhanka amaanka ah loo xiray

Maamulka Garoonka diyaaradaha Magaalooyinka Kolon/Boon ee dalka Jarmalka ayaa joojiyey shaqadii ge’gidaas kadib markii nin deg’degsani uu orod ku jiiray meelaha dadka lagu baaro.


Oday 62 jir ah ayaa si ku meel gaar ah u curyaamiyey shaqadii garoonkaas maalinimadii Isniinta, Isagoo jiiray qalabka dadka lagu hubiyo, Sida ay sheegeen Ciidanka Boolisku.

Wuxuu isku deyeyey inuu maro marinka ugu dhow si uu u gaaro diyaarad uu raaci lahaa oo ku socotay dalka Portugal.

Dhacdadaas ayaa abuurtay baqdin dhanka amaanka ah taas oo sababtay ugu yaraan 5 diyaaradood oo u diyaarsanaa inay dhoofaan in la hakiyo.

Garoonka Kolon/Boon.
Garoonka Kolon/Bonn.

Shaqada Garoonka ayaa caadi ku soo noqotay galabnimadii, Kadib markii la daad gureeyey rakaabkii isla markaana baaritaano lagu sameeyey.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.