Ganacsade Boore “Horumarinta Dekeda Berbera ayaa leh mudnaanta 1-aad ee qaranka”

Cabdiraxmaan Boore oo ah maalqabeen u dhashay Jabuuti balse dalkaas kaga maqan khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ay mar xulufo dhow ahaayeen ayaa ka hadlay heshiiskii ay wada galeen Xukuumada Somaliland iyo Shirkada DP World 9kii bishan.

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore.
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore.

Heshiiskaas ayaa dhigayey in Somaliland ku wareejiso Dekeda Berbera DP World oo iyadu si toos ah u maamuli doonta mudo 30 sano ku siman taas bedelkeedana ku samayn doonta balaarin si ay u noqoto marso caalami ah oo awood u leh inay adeegsadaan wadamada Gobolka.

Xisbiyada Mucaaradka, Siyaasiyiin madaxbanaan, Waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si weyn uga horyimi heshiiskaas iyagoo ku eedeeyey Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay iibisay Dekedii waloow Dowladu beenisay eedahaas.

Joogitaanka Boore.

Ganacsade Boore oo la aaminsanyahay inuu saami ku leeyahay DP World ayaa ka soo dhex muuqday madashii lagu saxiixayey heshiiskaas dadka qaarkiisna waxay qabaan inuu ahaa maskaxdii ka danbeysey in labada dhinac is afgartaan.

Boore oo ka dhex muuqda weftigii Xukumada Somaliland markii la saxiixayey heshiiska.
Boore oo ka dhex muuqda weftigii Xukuumada Somaliland markii la saxiixayey heshiiska.

Xukuumada Somaliland oo ka fogaanaysa in joogitaanka Boore uu dhaawaco xiriirka ay la leeyihiin Dalka Jabuuti ayaa horay u beenisay inuu wax lug ah ku lahaa heshiiskaas iyagoo ku dooday in goobtu ahayd Hoteel cid kasta u furan sida uu Warbaahinta u sheegay Maxamuud Xaashi oo ah Wasiirka Madaxtooyada.

Laakiin doorka Boore ayaan ku koobnaan inuu madasha joogo oo keliya ee hada wuxuu u soo gudbay gudaha Soomaaliland si uu gacan uga geysto sidii Xukuumadu heshiiskaas ugu qancin lahayd dadka diidan.

Isagoo adeegsanaya barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ugu baaqay Mucaaradka Somaliland inaysan siyaasadayn horumarinta Dekeda Berbera isagoo leh waa mudnaanta 1-aad ee qaranka.

“Maanta maaha maalintii kala aragti duwanaanta asxaabta siyaasada, Horumarinta Dekeda Berbera ayaa leh mudnaanta kowaad ee Qaranka waana in Reer Somaliland oo dhami u midoobaan” Ayuu ku qoray Ganacsade Boore bartiisa Twitterka.

Falanqayn.

Ku lug lahaanshaha Ganacsade Boore ee heshiiskii Dekeda Berbera waxay dhaawici doontaa xiriirka aan cagaha badan ku taagnayn ee Somaliland la leedahay Dalka Jabuuti sida uu fahansan yahay Warsidaha Faaqidaad.

Madaxweyne Geelle ayaa weligii ka soo horjeeday in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah laakiin Hargaysa iyo Jabuuti waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan marka ay timaado dhinaca Ganacsiga, Amaanka iyo Is dhex galka Bulshada.

Somaliland waxay horay ugu carootay hab maamuuskii Madaxweyne Siilaanyo loogu soo dhoweeyey Jabuuti caleema saarkee Geele.
Somaliland waxay horay uga carootay hab maamuuskii Madaxweyne Siilaanyo loogu soo dhoweeyey Jabuuti caleema saarkii Geelle.

Xiriirka labada dhinac oo xumaadaa uma fiicna Hargaysa sababta oo ah Jabuuti waxay galaangal fiican ku leedahay Gobolka xadkeeda dhaca ee Awdal oo aan si weyn looga taageersanayn gooni isutaaga Somaliland waana suurtagal hadii xiriirku gaaro halka ugu hoosaysa in Jabuuti taageero siiso kuwa jecel in aan laga go’in Dalka Soomaaliya intiisa kale.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.