Fursad shaqo oo ka banaan Warsidaha Faaqidaad- Muqdisho

Warsidaha Faaqidaad waa warbaahin madax banaan oo dhidibada loo taagay sanadkan 2016, Ujeedkayaga ayaa ah in aanu si siman ugu adeegno Bulshada Soomaaliyeed ee ku kala daadsan daafaha dunida iyo kuwa dalka jooga.

Mudadii koobnayd ee aanu hawada ku jirnay waxaanu samaynay horumar la taaban karo kaas oo ka badan halkii hiigsigayagu ahaa, Laakiin ma dafirsanin in aanan weli gaarin heer lagu faani karo.

Muhiimadayada koowaad ayaa ah sidii aanu war sugan oo wakhtigiisa jooga u gaarsiin lahayn dadka u hamuunta qaba, Isla markaana aanu war la taaban karo uga soo gudbin lahayn kuwa u baahan in codkooda la baahiyo, Anagoo aan ka talaabin xeerarka warbaahinta.

Si kor loogu qaado tayada Warsidaha iyo baaxadiisa shaqo waxaanu baadi goobaynaa Weriye nooga soo warama magaalo madaxda Soomaaliya.

Faahfaahin fursada Shaqo.

Jagada: Weriye fadhigiisu yahay Muqdisho.

Mudada Shaqada: 6 Bilood, Laakiin waxay u badan tahay in la kordhiyo hadii loo bogo hawlahaaga shaqo.

Mushaharka: Mid u qalma shaqada la qabanayo, Si gaar ah ayaa looga wada xaajoon doonaa.

Waajibaadka Shaqo: Inaad si joogta ah u soo daabacdid wararka Muqdisho, Iyagoo wata maqal iyo Muuqaal mararka loo baahdo oo muhiimka loo arko.

Shuruudo.

  1. Inaad leedahay Aqoon/ Waayo aragnimo shaqo oo dhanka warbaahinta ah, gaar ahaan dhinaca Mareegaha.
  2. Inaad si fiican u qori kartid luuqada Soomaaliga.
  3. Inaad Wararka ku soo baxa Wakaaladaha aduunka ee lagu soo qaato Arrimaha Soomaaliya kuna qoran luuqada Ingiriisiga aad u bedeli kartid Soomaali mararka loo baahdo.
  4. Hadii aad haysato agabkii aad ku hawl geli lahayd waxaad ku heli doontaa tixgelin gaar ah.

Wixii intaas ka badan waxaanu diyaar u nahay in aynu si gaar ah uga wada xaajoodno, Anagoo tixgelin weyn sii doona codsigaaga.

Fadlan ku soo dir CV-gaaga cinwaanka ah editor@faaqidaad.com inta ka horaysa 09/06/2016.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.