Feyte: Dhismaha maamulka Woqooyi Bari waa talaabo horay loo qaaday- VIDEO

Jaamac Ayaanle Feyte oo ka faalooda Arrimaha Siyaasada Soomaaliya isla markaana ah Tafatiraha mareegta Galgala News ayaa soo dhoweeyey dhismaha maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya, Kaas oo todobaad ka hor lagaga dhawaaqay Gobolka Sanaag.

Jaamac Ayaanle Feyte.
Jaamac Ayaanle Feyte.

“Dhismihii Somaliland iyo Puntland wixii ka danbeeyey waxaa xal loo arkayey qolo kastaa inay waabkeeda dhisato” Ayuu yiri Feyte oo aaminsan in xalka Soomaaliya wakhtigan uu ku jiro in deegaan kasta loo madax banaaneeyo maamulkiisa hoose.

Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ayuu sheegay inuu ragaadiyey muranka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo mid kastaa gaar kiisa u sheegto, Sidaa darteed ay muhiim noqotay in dadka deegaanku iskood isu maamulaan intii la isku haysan lahaa, Waa siduu hadalka u dhigay.

Wuxuu meesha ka riixay walaaca ay dad badani ka qabaan in Gobolka Sanaag oo hada ah mid xasiloon uu noqdo goob gacan ku haynteeda laysku fara saaro, Isagoo leh Hargeysa iyo Garoowe xaq uma laha inay weeraraan umad aayaheeda ka tashatay.


Siyaasada Puntland ee ku aadan Gobolada Sool iyo Sanaag ayuu ku tilmaamay ma dhalays aan shaqaynayn, Mar uu maanta waraysi gaar ah siinayey Warsidaha Faaqidaad.

Wuxuu ugu baaqay dadweynaha Reer Khaatumo iyo Reer Woqooyi Bari inay la shaqeeyaan maamuladooda, Taas oo ah sida keliya ee ay kaga bixi karaan dib u dhaca la degey.

HOOS KA DAAWO WARAYSIGA FEYTE SIIYEY FAAQIDAAD.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.