Faysal Cali Waraabe: Xasan Sh. maaha inuu simo Somaliland iyo Majeerteen

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay gudigii doorashada ee uu dhowaan soo magcaabay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.


Faysal wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay inuu Madaxweynuhu simo Somaliland oo qaran ah iyo beesha Majeerteen oo degan Gobolka Bari, Siduu hadalka u dhigay.

Gobolada Sool iyo Sanaag ayuu sheegay inaysan degin beesha Majeerteen iyo Harti toona, Sidaa darteedna looga baahan yahay in Puntland ka tanaasusho sheegashada Goboladaas.

Joogitaanka Janaral: Moorgan ee Garoowe ayuu soo hadal qaaday, Isagoo leh waxa halkaas loo keenay si anaga naloo ku cabsi geliyo.

Shacabka Somaliland ayuu ugu baaqay inay joojiyaan cunitaanka qaadka isla markaana ay ka kacaan fadhiga.

HOOS KA DAAWO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.