Fariinta furitaanka Warsidaha Faaqidaad (Tafatiraha)

Ilaahay baa mahad leh, 

Wakhti badan oo feker ah iyo bilooyin shaqo ah maanta waxaa farxad noo ah in aanu hawada si rasmi ah u soo gelino mareegta (Website) Warsidaha Faaqidaad, Inaad soo booqatay oo fariintan daalacatayna waa noo dhiirigelin.

Dhamaadkii sanadii hore ayaanu ka doodnay suurtagalnimada mareeg aanu hawada soo gelino nasiib wanaag waanu isla qaadanay todobaadyo wada tashi ah kadib.

Sumada Warsidaha Faaqidaad.
Sumada Warsidaha Faaqidaad.

5 Jan, 2016 ayaanu hawada u soo gelinay si hor dhac ah Warsidaha qaybtiisa baraha bulshada sida Facebook, Youtube iyo Twitter wixii intaa ka danbeeyeyna waxaanu ku hawlanayn  qaabka ugu suurtagalsan ee aanu ku dhisi lahayn qaybtii mareegta oo ah tan aad hada xayn daabkeeda ku jirtid.

Waa kuu fududahay inaad mareeg furtid dhib badana maaha inay hawada ku sii jirto laakiin waxaa adag si aad ku soo jiidatid macaamiil cusub oo ku soo booqda si aysan u noqon shaqada aad haysid hal bacaad lagu lisay.

Waanu aaminsanahay inay na horyaalaan caqabado badan oo u baahan dadaal iyo dulqaad si aanu uga guulaysano gaar ahaan marka ay timaado helitaanka akhristayaal badan.

Waanu fahansanahay in badankiin ay ka daaleen mareegaha badan ee magacyad iyo micnayaasha kala duwan huwan.

In aanu la nimaano dhexdhexaadnimo isla markaana xornimo ka qaadano Eex, qof, qabiil, Gobol, Koox ama Maamul ayaanu aaminsanahay inay tahay Wadiiqada ugu fudud ee aanu ku hanan karno kalsoonidiina taasina waxay noqon doontaa mid astaan noo ah oo nagu suntan markasta.

“Waa mahadsanyihiin baraha Bulshadu” waayo waxay sahleen in si fudud loo wada xiriiro maanta waanu cusub nahay laakiin welwel kama qabno in aanu weyno hanaankii isku keen xiri lahaa si aynaan u kala lumin waayo barta aanu ku leenahay Facebooke ee Faaqidaad.com waxaa ku xiran in ka badan 22,253 kun oo qof kuwaas oo mar hore na sii rukuntay.

Aduunka waxaa horumar lagu gaaraa iskaashi ma jiro qof keligii wax kasta qabsan kara, Sidaa daarteed bartan kaama xigno keliya waxaanu ka nahay asaasayaal waana ogolnahay inaad nala yeelatid weliba si siman wadaxaajood miro dhal ah kadib.

Inaad fursad na siiso oo nagu qiimaysid hadba micnihii nooga kaa muuqda waa mid aanu marti kaaga nahay, Anagoo kaa codsanayna xataa hadii aad aragtid khaladaad dhankayaga ah in aadan si deg deg ah nagu go’doomin ee ku dadaal inaad marka hore nala soo xiriirtid waxay u badan tahay in aanu saxno waayo ku talo galkayaga maaha in aanu u bareerno xumaan laakiin bini aadan baanu u nahay hilmaan.

Waad ku mahadsantahay inaad na soo booqatay waxaana rajayn naynaa in xiriirkeenu uu sii socdo, Markale soo dhowoow.

Mahadcelin gaar ah: Waxaanu u mahadcelinaynaa Shirkada Seatac oo iyada la’aanteed aysan wax badan noo qabsoomeen iyadoo noo dhistay bogan quruxda badan isla markaana faraceeda kale ee Simbadomains  uu noo yahay degel isagoo noo fidiyey kaydin (Hosting).

Guul Eebe

Tafatiraha
Faaqidaad

Talo iyo Tusaale waa noo muhiin noogu soo hagaaji cinwaanka ah faaqidaad@gmail.com .

Leave a Reply

Your email address will not be published.