Faransiiska: Ingiriisku wuxuu noqon doonaa dal yar oo go’doonsan

Wasiirka dhaqaalaha Faransiiska ayaa leh Ingiriisku wuxuu noqon doonaa sida Jasiirada Guernsey hadii dadka dalkaasi u codeeyaan ka bixitaanka Midowga Yurub.


Emmanuel Macron wuxuu u sheegay Wargayska Le Monde, In Ingiriisku dal yar ka noqon doono qiyaasta guud ee dunid, Isla markaana ku jira go’doon ay is geliyeen.

Waa inay Brussels u dirto fariimo muujinaya cawaaqib xumada ay dhaxli doonaan hadii ay ka baxaan midowga, Ayuu yiri Macron.

Dadka Ingiriiska ayaa u dareeri doona afti dadweyne 23 Jun, Si ay u go’aamiyaan in dalkoodu ka sii mid ahaado Midowga Yurub iyo inay ka baxaan.

Kuwa u ololaynaya in laga baxo Yurub waxay aaminsanyihiin in dalkoodu fursad u heli doono sidii uu xiriir ganacsi ula yeelan lahaa caalamka intiisa kale.

Hadalka Macron ayaa imanaya xili Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu sheegay in Cameron ku baaqay aftidan si uu ugu handado ama baqa geliyo Midowga Yurub.

Putin ma oran waxaan doonayaa in London ka sii mid ahaato Yurub iyo inay ka baxdo toona, Laakiin wuxuu yiri codbixiyayaashu waxay wajahayaan kala doorasho adag.

Calanka Midowga Yurub iyo kan UK.
Calanka Midowga Yurub iyo kan UK.

“Hadii ay doonayaan Ingiriisku inay awood u yeeshaan isticmaalka suuqa Yurub waa inay qayb ka bixiyaan miisaaniyada MY sida Norway iyo Switzerland. Hadii aanay London sidaa rabin bixitaanku wuxuu noqonayaa mid buuxa” Ayuu yiri Macron.

Midowga Yurub wuxuu ka baqayaa hadii Ingiriisku ka baxo Yurub inay dalal badani ku daydaan taas oo keeni karta inuu gebi ahaantiisba burburo.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.