Faransiiska: 3 qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay meel ka baxsan Paris

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in mindi lagu weeraray mid ka mid ah Askartooda oo taagnaa banaanka hore ee gurigiisa Magaalada Magnanville oo 55KM u jirta Paris.


Ninkii weerarka soo qaaday wuxuu afduub u qabsaday xaaskii askariga iyo wiil uu dhalay, Kadib markii uu gudaha u galay gurigii ay degenaayeen.

Booliska ayaa u daatay guriga markii ay guuldaraysteen saacado wadaxaajood ah oo ay la lahaayeen ninka weerarka geystay. Halkaas oo ay isagiina ku toogteen.

Afhayeenka Booliska Pierre-Henry Brandet ayaa u sheegay weriyayaasha in Ciidanku ku guulaysteen samatabixinta 3 jir wiil ah, Balse ay guriga gudihiisa ka heleen Askarigii iyo xaaskiisii oo la dilay.

Xeer ilaaliyaha Faransiiska ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaano la xiriir weerarkaas.

Ciidanka oo jooga halkii weerarku ka dhacay. Sawirka AFP.
Ciidanka oo jooga halkii weerarku ka dhacay. Sawirka AFP.

Wakaalada wararka Amaq oo ku hadasha afka IS oo soo xiganaysa cid aysan magac dhabin ayaa sheegtay ninka weerarka geystay inuu ka tirsanaa Daacish, Laakiin maleeshiyadaasi weli si rasmi ah uma sheegan .

Madaxweynaha Faransiiska Hollande ayaa canbaareeyey weerarkaas isagoo sheegay inuu shir deg deg ah ku qabanayo xafiiskiisa subaxnimada Talaatada.

Gaadiidka caafimaadka oo ku sugan goobtii weerarku ka dhacay,. Sawirka AFP.
Gaadiidka caafimaadka oo ku sugan goobtii weerarku ka dhacay,. Sawirka AFP.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.