Faatax oo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Woqooyi Bari loo doortay- Video

Maamul Goboleedka Woqooyi Bari oo ka kooban Gobolada Sanaag iyo Hayland  ayaa maanta Madaxweyne u doortay Prof. Cali Axmed Faatax .

Faatax Wasiirka Qorshaynta Puntland ayuu horay u soo noqday.
Faatax Wasiirka Qorshaynta Puntland ayuu horay u soo noqday.

Afhayeen u hadlay gudiga siyaasada maamul u samaynta Gobolada Woqooyi Bari Axmed Maxamed Maxamuud Jebiye ayaa maanta ku dhawaaqay in ergooyinkii ku shirsanaa Degmada Xingalool todobaadyadii la soo dhaafay ay si rasmi ah Madaxweyne ugu doorteen Faatax.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha laga rabo inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada sida uu dhigayo Axdiga uu ku sii shaqayn doono maamulkaasi ilaa Dastuur rasmi ah laga soo diyaarinayo.

Waa kuma Faatax.

Wuxuu ku noolaa mudo dheer Dalka Maraykanka laakiin markii ugu horaysay wuxuu ka soo dhex muuqday masraxa siyaasada Soomaaliya sanadkii 2014 markaas oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) u magcaabay Wasiirkiisa Qorshaynta .

16 Jun, 2015 ayuu Madaxweynaha Puntland xilkii ka qaaday kadib markii ay mudo dheer ku kala argti duwanaayeen Siyaasada lagula macaamilayo deegaanada uu asal ahaan ka soo jeedo iyo hawlaha Wasaaradiisa isagoo dhowr jeer intaan xilka laga qaadin ku eedeeyey Madaxweyne Gaas in aanu daacad ka ahayn horumarinta Gobolka Sanaag.

Hoos ka daawo Faatax oo ka hadlaya Maamul u samaynta Gobolada Sool & Sanaag sanadkii hore.

Maamul Goboleedka Woqooyi Bari.

8dii bilood ee ugu danbeeyey magaalada Nairobi waxaa ka socday shir lagaga arinsanayey sidii loo dhisi lahaa maamul Goboleed mideeya Gobolada Sanaag, Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Qorshahaas ayaa guuldaraystay kadib markii Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr uu diidey inuu ka tanaasulo maamulka Khaatumo isagoo aan ka soo horjeedin midnimada balse diidanaa inuu xilka ka dego iyo in maamul cusub oo ban ka ood ah la dhiso, Fekrediisaas oo ay ku gacan sayreen garabyadii kale.

Wixii markaas ka danbeeyey Siyaasiyiinta reer Sanaag waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay u dhisan lahaayeen maamul iyaga u gaar ah kaas oo la mataanooba mustaqbalka hadii la helo maamul dhigiisa ah oo reer Sool ku mideysan yihiin diyaarna u ah is raaca labada Gobol sida ay u sheegeen Warsidaha Faaqidaad qaar ka mid ah Ergada ku shirsan Xingalool.

Fal celin.

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa taageero u muujiyey maamulka cusub waxaana ka mid ah Caasho Axmed Cabdale oo horay Xildhibaanada uga soo noqotay Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo  barteeda Facebook ku soo daabacday qoraal ay ugu hambalyeynayso Madaxweynaha.

Hambalyada Caasho Cabdale.
Hambalyada Caasho Cabdale.

Warsidaha Faaqidaad ayaa xiriir la sameeyey Maamulada Somaliland iyo Puntland oo midkastaa gaarkiisa u sheegto Gobolada Sanaag si aanu u ogaano aragtida rasmiga ah ee ay ka qabaan.

“Xukuumada Somaliland waxay diyaar u tahay inay la hadasho cid kasta oo muwaadiniinteeda ka mid ah oo dalka tabasho kaga maqan laakiin Midnimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland waa muqadas lama taabtaan ah” Ayaa lagu yiri War qoraal ah oo soo gaaray Faaqidaad kaas oo jawaab u ahaa su’aashayadii.

Weli wax jawaab ah kama helin dhinaca Puntland laakiin marna ma soo dhoweyn doonaan inuu Gobolkaas ka arrimiyo maamul kale sidii horay looga bartay.

Hoos ka Daawo Shirkii Jaraa’id ee Madaxweynaha cusub lagaga dhawaaqay.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.