Faahfaahin dagaalkii saaka ka dhacay Barookhle

Update 1: Wasiirka Qorshaynta, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, Beeljaade Jaamac, Culimo, Siyaasiyiin hore iyo Waxgarad kale oo ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan ayaa saaka kulan waanwaan ah kula lahaa Gallan deegaanka Barookhle oo 20KM u jira Carmo.



Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in kulankaas oo socda ay Ciidanka Dowladu weerar la beegsadeen maleeshiyaadkii taabacsanaa Galan oo halkaas ku sugnaa.

Sidii maleeshiyada taabacsan Gallan dib loogu celin lahaa fariisinkoodii hore oo ahaa Dharjaale, Ayaa ka mid ahaa qodobadii laga wadahadlayey.

Masuuliyiintii ka socday dowlada ayaa ka carooday weerarkaas oo aysan waxba kala socon iyagoo dib ugu soo laabtay Magaaalda Carmo, Sida loo xaqiijiyey Faaqidaad.

3 Qof ayaa dagaalkaas ku dhintay halka dhaawacu gaarayo in ka badan 10, Waloow aan si buuxda ilaa iyo hada loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.

Cabdisamed Gallan oo waraysi siiyey idaacada Risaala oo ku taal Muqdisho wuxuu sheegay in aan dhankooda wax khasaare ah soo gaarin balse ay dhinaca Dowlada ka gubeen 1 gaari isla markaana ay ka dhaawaceen askar badan.

Dowlada Puntland wax war ah kama soo saarin dagaalkan ilaa iyo hada, Marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta oo Warbaahintii ka hadashay dagaalkaas si adag ugu hanjabay (HALKAN KA DAAWO).

Warkii hore.

Dagaalkii saaka ka qarxay deegaanka Barookhle ee Gobolka Bari ayaa istaagay, Sida ay Faaqidaad u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Maleeshiyaad taabacsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Galan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayuu dagaalku u dhexeeyey.

Ciidankii Puntland ee saaka weerarka qaaday ayaa dib uga soo baxay Barookhle kadib markii ay la kulmeen iska caabin xoogan, Sida uu fahansanyahay Faaqidaad.

1 Gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa laga gubay dhinaca dowlada, Sida ay tibaaxayaan wararka aanu helayno, Laakiin khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin karo weli.

“Ciidanka qalbka sida waxay amar ku qabaan inay gacan bira ku soo qabtaan siyaasiyiintaa uuna ugu horeeyo Cadisamad Maxamed Gallan” Ayaa lagu yiri qoraal uu Madaxweynaha Puntland ku daabacay bogiisa Facebook.

Ciidanka Puntland ayaa horay weeraray gurigii uu Boosaaso ka degenaa Gallan, Hawlgalkaas oo lagu doonayey in lagu soo xiro ayaan guulaysan.

Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu abaabul ka waday deegaan ku yaala Gobolka Bari si uu u dhisto awood ciidan.

Ciidanka Puntalnd. Sawir hore.
Ciidanka Puntalnd. Sawir hore.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.