Euro iyo Pound oo si weyn hoos ugu dhacay

Lacagta Ingiriiska ee loo yaqaan “Pound” oo ka mid ah kuwa dunida ugu qaalisan, Ayaa si weyn hoos ugu dhacday.


Waxaa saameeyey codbixiyayaasha dalkaas oo go’aamiyey in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub.

10.2% ayey lacagtu hoos u dhacaday iyadoo hada qiime ahaan 1kii Pound marayo 1.33$, Halka uu ahaa fiidnimadii hore ee caawa 1.51$ .

Waa markii ugu horaysay ee uu heerkaas gaaro tan iyo sanadii 1985, Taariikh ahaan horay uma dhicin in hal mar ay lacagtaasi dhacdo 10.2%.

Sidoo kale lacagta Euro ayaa hoos u dhacday 3.3% marka la barbar dhigo lacagta doolarka.

10 Pound.
10 Pound.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.