Eritrea oo dhul ka qabsatay Jabuuti

Jabuuti waxay ku eedaysay Eritrea inay Jimcihii qabsatay dhulkii lagu muransanaa ee ku teedsanaa xuduuda, markii ay Qadar kala baxday ciidankii halkaas uga joogay nabad ilaalinta.


Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidanka la geliyey heegan ayna cabasho u gudbiyeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu kaga munaaqashoon doonaa xaalada kulan albaabadu u xiranyihiin oo uu isugu iman doono Isniinta, sida ay sheegeen diblomaasiyiintu.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa u sheegay safiirka Jabuuti u fadhiya Adis-Ababa in Midowga Afrika soo diri doono wefti si ay u kormeeraan arinta soo korortay.

Ciidanka Jabuuti waxaa la geliyey heegan sare.
Ciidanka Jabuuti waxaa la geliyey heegan sare.

14kii Jun ayey Qadar kala baxday ciidankeedii nabad ilaalinta soohdinta ay ku muransanyihiin labadaas dal, maalin kadib markii ay la safteen xulufada Sucuudiga ee go’doominta ku haya.

Wasiir Ali Yuusuf wuxuu sheegay in Qadar la baxday ciidankeedii 12kii iyo 13kii Jun, isla maalintaasna ay u soo dhaqaaqeen ciidanka Eritrea buurihii la isku hayey.

“Hada waxay si buuxda gacanta ugu hayaan buurta Dumeira iyo Jasiirada Dumeira. Tani waxay xadgudub ku tahay qaraarkii Golaha Amaanka” Ayuu yiri Wasiir Yusuuf.


June 2008 ayey gacanta isula tageen markaas oo Jabuuti ku eedeysay Asmara inay ciidankeeda u soo dhaqaajisay xuduuda, waxaa laga cabsi qabaa inuu markale dagaal dhexmaro.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Leave a Reply

Your email address will not be published.