Eritrea iyo Itoobiya oo dagaal ku dhexmaray xadka

Ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya ayaa ku dagaalamay soohdinta labada dal oo ah mid si weyn ciidamadu u joogaan.


Dowlada Eritrea waxay ku eedaysay Itoobiya inay soo qaaday weerarkaas, Laakiin Addis’ababa wax war ah kama soo saarin dagaalka ka dhacay aaga Tsorona.

Dadka degen dhinaca xadka Itoobiya ayaa sheegay inay maqleen rasaas xoogan ayna arkeen ciidamo wata gaadiid dagaal oo ku sii jeeda dhinaca soohdinta.

2000 ayaa heshiis nabadeed lagu soo afjaray dagaal dhex maray labada dal, Waloow aan heshiiskaas si buuxda loo hirgelin.

Dad lagu qiyaasay 80,000 ayaa ku naf waayey dagaalkii dhex maray labada dal 1998 ilaa 2000.

Eritrea iyo Itoobiya oo dagaal ku dhexmaray xadka
Eritrea iyo Itoobiya oo dagaal ku dhexmaray xadka

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.