Erdoğan oo u digay Farmaajo

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa uga digay dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu la safto xulufada Sucuudiga ee godoominta ku haya Qadar.


Warbaahinta Turkiga oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dalkaas ayaa sheegay inuu Erdogan wacay Farmaajo habeenimadii Sabtida si ay uga wadahadlaan qalalaasaha Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Turkigu wuxuu ku bogaadiyey dhigiisa Soomaaliya mawqifka ay ka qaateen xiisada Khaliijka ee ahaa in lagu xaliyo khilaafka dariiq diblumaasiyadeed.

Erdogan wuxuu u sheegay Farmaajo inay ka warqabaan siduu Sucuudigu ugu cadaadinayo Soomaaliya sidii ay xiriirka ugu jari lahayd Qadar ayna uga xarin lahayd hawada.

Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Erdogan iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu u xaqiijiyey go’aankasta oo Soomaaliya xiriirka ugu jarto Qadar inuu saamayn xun ku yeelan doono xiriirka wanaagsan ee ay Muqdisho la leedahay Ankara.

Erdogan wuxuu uga digay Farmaajo inuu ku hogaamiyo Soomaaliya siyaasad aan fadhiyin oo ku dhisan raacida wadiiqooyin diblumaasiyadeed oo ay jeexdeen dalal kale.

Xukuumada Soomaaliya waxay ku gacansayrtay dalab uga yimi xulufada uu Sucuudigu hogaamiyo, kaas oo ay kaga codsadeen inay ku biirto dalalka xiriirka u jaray Dooxa.


Go’aanka Muqdisho wuxuu ka caraysiiyey Riyaad oo kaga jawaabtay inay hakiso deeq ay u balanqaaday, wuxuuna horseeday Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada Qadar inuu booqasho deg deg ah ku tago Soomaaliya.

©Faaqidaad.


Fadlan Like saar bogayaga Facebook.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.