Erdogan oo ka degey Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa goor dhoweyd ka degey magaalada Muqdisho, Safarkiisan oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo dalalka Bariga Afrika.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Ganacsato tiro badan ayaa ku weheliya safarkiisa, Iyadoo la filayo inuu Muqdisho kula kulmo Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo halkaas ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

Waa booqashadii sadexaad ee uu ku tago Soomaaliya tan iyo sanadii 2011. Xiriirka labad, Ganacsiga iyo Gargaarka Turkigu siiyo Soomaaliya ayaa la filayaa in laga wada hadlo.

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.