Erdogan: Jarmalku wuxuu iska indha tirayaa taariikhdiisa maddow

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku eedeeyey Jarmalka inuu indhaha ka qarsanayo taariikhdiisa maddow, Erdogan wuxuu intaa raaciyey taariikhdayadu waa mid ka duwan tiina xansuuqu hareeyey.


Hadalka Erdogan ayaa yimi kadib markii Baarlamaanka Jarmalku meel mariyey hindise oranaya Cusmaaniyiintii Turkigu wexey xansuuq u geysteen Armiiniyiinta Masiixiga ah dagaalkii Kowaad ee Aduunka.

Madaxweyne Erdogan oo aad uga caraysan talaabada Jarmalku qaaday ayaa yiri  “Jarmalku waa inuu ahaado cidda ugu dambaysa oo xansuuq cid ku eedaysa'”. “Marka hore Jarmalku waa inuu Holocaust wax iska weydiiyaa”.

Turkigu wuxuu u yeertay safiirkii Berlin u fadhiyey, Halka safiirka Jarmalka ee Ankara looga yeeray Wasaraadda Arimaha Dibadda, Iyadoo loo gudbiyey cabasho rasmi ah.

Ansixinta hindisahan kadib waxa jira fariimo handaada oo ay helayaan qaar ka mid ah xildhibaanaddii mooshinka keenay.

Jaaliyad aad u balaaran oo asal ahaan kasoo jeeda Turkiga ayaa ku dhaqan dalka Jarmalka. Tiro ahaana lagu qiyaaso 4 milyan.

Armiiniyiinta ayaa ku dooda in Cusmaaniyiintu ka dileen 1.5 milyan dagaalkii kowaad ee Aduunka.

Turkiga ayaa aaminsan in tiradu intaa aad uga yartahay, Iyagoo kasoo horjeeda in gabood falkii dhacay loogu yeero ”Xansuuq”.

Madaxweynaha Turkiga Erdogayn
Madaxweynaha Turkiga Erdogayn

Biljamka, Ruushka, Talyaaniga, Faransiiska iyo labaatan dal oo kale ayaa u aqoonsan xansuuq dadkii tirada badnaa ee Cusmaaniyiintu ka laayeen Armiiniyiinta.

Laakiin taa bedelkeeda Ingiriirka, Maraykanka iyo Israel ayaa doortay ineysan ugu yeerin wixii dhacay xansuuq.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.