EgyptAir: Jaahwareer ka taagan burbur diyaaradeed oo la helay

Masuuliyiinta Giriiga iyo kuwa Masaarida ayaa siyaabo is khilaafsan uga hadlay burbur diyaaradeed oo laga helay badda Mediteraniyanka kadib markii la waayey diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Masar.

Weli waa la baadi goobayaa diyaaradii EgyptAir.
Weli waa la baadi goobayaa diyaaradii EgyptAir.

Athanasios Binis oo hogaaminaya kooxda baadi goobka ee dalka Giriiga ayaa sheegay burburka diyaaradeed ee laga helay meel u dhow Jasiirada Karpathos inuusan ka iman diyaarad nooceedu yahay Airbus A320.

Laakiin goor hore saraakiisha Masaaridu waxay sheegeen in la helay haraadiga burbur ee diyaaradii la waayey.

Duulimaadka Lanbarkiisu yahay MS804 ayaa isaga kala gooshayey magaalooyinka Paris iyo Qaahir isagoo siday 66 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii diyaarada markii hawada laga waayey xalay gelinkii danbe.

Masuuliyiinta ayaa leh waxay u badantahay inay diyaarada soo rideen kooxaha argagixisada ahi marka loo eego inay wajahday cilado farsamo.

17:45 habeenimo ayaa diyaarada laga waayey raadaarada.

56 Rikaab ah, 7 Shaqaale ah iyo 3 qof oo amaanka qaabilsanaa ayey isugu jireen rikaabkii diyaarada saarnaa oo badankoodu u dhashay dalalka Masar iyo Faransiiska.


23:09 Habeenimo xiliga Paris ayey ka duushay dalka Faransiiska iyadoo qorshuhu ahaa inay ka degto Magaalo madaxda Masar ee Qaahira 03:15 goor sheegta dalkaas.

Saraakiisha Giriiga ayaa sheegay in waaxda dalkaas u qaabilsan hawada ay xiriir la sameeyeen duuliyaha markii diyaaradu soo gashay hawada dalkaas isagoo u sheegay in wax kastaa caadi yihiin.

Markale ayey isku dayeen inay la xiriiraan mar ay goor sheegtu ahayd 02:27 xiligaas oo uu sii geleyey hawada dalka Masar laakiin duuliyuhu kama jawaabin wicitaankaas, Labo daqiiqo kadibna waxaa laga waayey diyaaradii raadaarka.

Hawlgal balaaran oo lagu baadi goobayo diyaaradaas ayaa ka socda badda Mediteraniyanka.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.