Dowlada Soomaaliya waxay ka tacsiyeysay dadkii lagu dilay Orlando

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali (Sharmaarke) wuxuu ka tacsiyeeyey dadkii lagu laayey Orlando, Florida.


Wuxuu ku tilmaamay weerarkaas inuu ahaa mid aad looga naxo, Ayna Dowlada Soomaaliya si adag u dhaleecaynayso.

“Aad baanu u dhaleecaynaynaa, Waa ka xunahay, Dowlada Maraykankana waa uga tacsiyeynaynaa” Ayuu yiri RW Sharmaarke oo waraysi siinayey Idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga.

Wuxuu sheegay maalin kasta weeraro argagaixiso oo kaas la mid ah inay ka dhacaan Muqdisho, Dhacdooyinkaas oo naxdin iyo feker badan ku beera.

Dad u baroordiiqaya dadkii lagu laayey Orlando.
Dad u baroordiiqaya dadkii lagu laayey Orlando.

Dowlada Maraykanka ayuu ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha xagjirka ah.

Jimcihii, 50 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ay isugu iman jireen dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda (Gay), Taas oo ku taal magaalada Orlando, Florida ee dalka Maraykanka.

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARMAARKE.

Hadii aad jeceshahay inaad rukumato wararka iyo warbixinada Warsidahan, Fadlan LIKE saar Boga aanu ku leenahay Facebook ee Faaqidaad.com  .

Faaqidaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.